Marlabaad dhegeyso Khudbadii Uu Madaxwayne Gaas Ka Jeediyay shirkii sannadlaha ahaa ee Madaxda Afrika ee Tana High Level Forum 2014 Waraysi Uu Voa Siiyay

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaad mooddaa maalmahaan in Soomaalidii waxyaalo aan muhiim ahayn ay ku mashquulayaan, iyo maxay Puntland dekadda Boosaaso u ballaarinaysaa.

Gaas baa sidii madaxwaynihii roog cas loo goglay oo Bahar Daar lowgu soo dhaweeyay.

Rooga cas waa mid ay dhammaan madaxda shirka ka qaybgallaysa ee diyaaraduhu keenaan ay soo marayeen, waana markii 4aad ee Madaxwayne Gaas uu shirkaan ka qayb gallo, waxaanad hoos ka dhegeysataa waraysiga madaxwayne Gaas uu siiyay voa isagoo isla shirkaan ka qaybgalaya 2014 oo aan P/o isla xilligaas ku daabacnay.

Waxaana wacnaan lahayd in ay soomaalidu ku mashquulaan sidii si daacada soomaali wax u wada qaybsan kahayd.

hadaad eegtid shaxda qaybsiga ciidamada Booliska dfs waxaa ku qoran sidan

Banaadir  waxaa loo qoondeeyay 3000 oo ciidan Bools

Puntland waxaa loo qoondeeyay 3000 oo ciidan Bools

Oo kaalay haddii banaadir 3000 loo qoondeeyay Hargaysa iyo Boosaaso imisa ciidan baa loo qoondeeyay, maxaase diidaya haddii Banaadir loo qoondeeyay 3000 oo ciidana, in Boosaaso calaa aqali 1000 loo qoondeeyo, waayo marka wax la qaybsanayo maxaa lagu jaangooyay ma Gobol, Ma tirada dadka magaalada ku nool.

Haddii ay tirada tahay waa in magaalooyinka la tirakoobaa, dabadeedna magaalo kasta in dad ku nool iyadoo la eegayo boqolay ahaan loo qoondeeyo booliska, haddii Gobol la eegayo waa in 18-kii Gobol lagu jaangooyi oo banaadir waa hal Gobol.

Arrimahaas muhiimkaa halkii laga doodi lahaa waxaa dood laga dhigayaa Gaas baa roog cas ku luguyeeyay.

Roog cas oo aad ku lugaysay maxay soo kordhisay.

Dhagayso: Prof: Cabdiwali Gaas oo Voa waraysi siiyay isagoo Addis jooga