Marwada Cali Khaliif Prof Maryan Biixi oo arrimo xasaasiya ka hadashay isla markaana Cali Khaliif barbar dhigtay John Adam ninkii Maraykanka ka xoreeyay Boqortooyadii Ingiriiska (Daawo waraysi xiisabadan)

Filed under: Wararka |

Maryan biixi ayaa sheegtay in ay Maraykanka tagtay 1985 ayna Jaamacadda Harvard ka qaadatay dhowr Digree, kadibna master Degree marlabaad Jaamacad kale ka qaadatay, Dubai ka ahayd Macalimad Jaamacadda Cilmiga Beeraha ka dhigta.

Maryan biixi ayaa ka hadashay arrimo badan oo xasaasiya.
Waxay sheegtay in Cali Khaliif ay hadda ka go’antahay in uu xoreeyo deegaanada beesha Dhulbahante ee ay Beesha Isaaq ku habsadeen, waxayna si wanaagsan u sharaxday waxa usuurta galiyay Beesha Isaaq in ay Deeganada Beesha Dhulbahante Xoog ku haystaan.
maryan waxay sheegtay in lacagta lasiiyo Maleeshiyada Soomaaliland ee Laascaanood xoogga ku haysta ay tahay lacagta laga soo baryo wadamada Caalamka isla markaana mushaar ahaan loo siiyo maleeshiyaadka Laascaanood xoogga ku haysta.

Haddii John Adam
uu ka xoreeyay Maraykanka Ingiriiska Cali Khaliif waa uu ka xoraynkaraa maleeshiyaad lacagta ay siiyaan horgalayaasha ay dibada uga timaado