Maryan Cariif Gudoomiyaha Gudiga Baarlamaanka Ee Dib U Eegista Dastuurka oo sheegtay in ay Lix Qodob oo xasaasiya ka doodayaan (Dhegeyso oo Akhri arrin xasasiya)

Filed under: Important News,Wararka |

maryan cariif
Maryan Cariif oo la sheego in ay kasoo horjeedo nidaamka Federaalismka balse is qarinaysa sida Xasan Sheekh oo isna la sheego in uu aad uga soo horjeedo nidaamka Federaalismka balse is qarinaya.

Hadaba Maryan oo hadda ah Gudoomiyaha Gudiga BFS u xilsaaran dib u eegista dastuurka dfs.

Maryan ayaa baryahaan aad uga soo horjeeda heshiiskii madasha wadatashiga ee ay dfs iyo maamul gobaleedyadu wada gaareen.

Maryan ayaa hadda sheegtay in ay gudigoodu hadda ku guda jiraan lix qodob oo kala ah

1) Federaalaynta dalka, khaasatan imisa qaybood baa dalka laga dhigi doonaa ma lix maamul misa 5 mise 4 iyo maamulkiiba imisa Gobol buu ka tirsanaan doonaa
2) kala qeexidda awooda madaxda dalka oo ay ugu horeyso awoodaha Madaxwaynaha iyo Raysalwasaaraha, waliba in mid awoodda loo badiyo oo ama Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen la sameeyo, ama Madaxwayne aan wax awoodda lahayn iyo Raysalwasaare awood badan
3) Yaa Soomaali ah, ma qofka Hooyadi iyo aabihi Soomaali yihiin ee xuduudda Soomaaliya joogga mise qofka ku dhashay Soomaaliya.
4)Khayraadka dalka in laga doodo, ma dawlad Gobaleedkaa iska sidee loo qaybsanayaa.
5)Awoodaha Dawlad Goboleedyada iyo DFS in lakala qeexo.
6) Maqaamka Caasimadda, muxuu noqonayaa maqaamka Caasimadda iyo sharci gooniya ha loo sameeyo.
Maryan Cariif ayaa sheegtay in aynan wax dooda ka taagnayn in Muqdisho Caasimadda laga badalo, ee hadda kaliya laga doodayo maqaamkii Caasimadda.

Hoos ka dhegeyso.

One Response to Maryan Cariif Gudoomiyaha Gudiga Baarlamaanka Ee Dib U Eegista Dastuurka oo sheegtay in ay Lix Qodob oo xasaasiya ka doodayaan (Dhegeyso oo Akhri arrin xasasiya)

  1. Pingback: Maryan Cariif Gudoomiyaha Gudiga Baarlamaanka Ee Dib U Eegista Dastuurka oo sheegtay in ay Lix Qodob oo xasaasiya ka doodayaan (Dhegeyso oo Akhri arrin xasasiya) - Daily Somalia Report