Maryan iyo Bashiir Cali Xuseen

Filed under: Heeso,Important News,Wararka |

MARYAN

Muddo badan ayaan waday

Maweellada naftaadoon

Kuu miraayay hadalkoo

Si aan ku maqsuudiyo

Meermeerinaayee.

 

Anoo mooday xaajadu

Meel wacan inay maraysoo

Meher keliya noo hadhay.

 

Ayaad muran ka taagtood

“Macsalaama!” igu tidhi,

Kaamana mutaysane

Axdi aadan u meel dayan,

Waxaa dhaanta mayada’e.

 

Filan mayn, Maryaneey!

Marna kaama filannayn

Inaad “maya!” i leedahay

Walow maanta aad i tidhi,

“Isma naqaan!”

 

Haddaad moodday caashaqu

Maalmo qudha inuu yahay

Micnihiisa maad garan

Muuji iyo cayaar baad

Moodaysaa adiguye.

 

Intuusan igu maaxane

Micida igu adkaysan

Mahadhadiisa igu badan,

“Mid kalaan la haystaa”,

Marna imaadan odhanine.

 

Uurka oo mariid ah

Afka malab ka yeeshood

Isukay macnaysee

Murugo aan i hayn iyo

Mushkilad igu abuurtee.

 

Misna muran ka taagtood

“Macsalaama!” igu tidhi,

Kaamana mutaysane

Axdi aadan u meel dayan,

Waxaa dhaanta mayada’e.

 

Filan mayn, Maryaneey!

Marna kaama filannayn

Inaad “maya!” i leedahay

Walow maanta aad i tidhi,

“Isma naqaan!”

 

Haddaad moodday caashaqu

Maalmo qudha inuu yahay

Micnihiisa maad garan

Muuji iyo cayaar baad

Moodaysaa adiguye.

 

Laxanka iyo Luuqda: Bashiir Cali Xuseen

Loox-ereyga: Max’d Xasan Laangare

Laacdantunka: Kooxda Muusikada Waaberi

La Sameeyey: Muqdisho, 1975

 

 

 

One Response to Maryan iyo Bashiir Cali Xuseen

  1. Pingback: Maryan iyo Bashiir Cali Xuseen - Daily Somalia Report