Mashruuca Dekadda iyo Wadada Garacad Goldogob oo dhaqaalaha Puntland 3 Jibaari kara Maqaal

Filed under: Aqoon-kororsi,Important News,Wararka |

garacad
Sida Masawirka kore ku cad Garacad waa meesha ugu habboon in Dekad laga dhiso marka laga hadlayo Istiraajiyad ay reer Puntland ka yeeshaan in ay hellaan il dhaqaale oo ay Ganacsigooda ugu beec geeyaan Ethiopia, waliba Dawlad Deegaanka Soomaalida oo aad ugu aadan Garacad marka laga soo taggo dhanka Soomaaliland ee ku beeggan Wajaale.

Garacad-world
Dhanka kalena sida mapka masawirka kore ku cad Garacad waxay istiraajiyad fiican kaga leedahay Dekadda Boosaaso iyo Barbara ee Badacas, Maraakiibta ka yimaada China, India, Dhamaan Wadamada Aisa, Maraykanka, Latin America.

Waxaan ognahay shixnidaha ka yimaada wadamada aan kor kusoo xusnay ee Puntland usocda in ay marka hore yimaadaan Boosaaso oo markaas kadib dib lowgu soo daabullo deegaanada kale ee Puntkand iyo Somalia.
Garacad iyo Boosaaso ayaa isku jiro masaafo ka badan 1000 kilomitir.

Dekadda Garacad haddii la dhiso wadada wadaagsan lagu darro ayaa waxaa shaqo ka heli kara dad ku dhaw dhowr boqol oo kun, waxaana shidmaya oo la camirayaa deegaanada dawlad deegaanka Soomaalida ethiopia.

Dhanka kalena Xukuumadda Gaas ayaa uu Mashruuca Garacad wuxuu u noqon doonnaa Mashruuca ugu culus mashaariicda Xukuumadda Gaas, maadaama uu Mashruucaas furi karo illo dhaqaalle oo 3 jibaara dhaqaalihii Puntland.

Waxaana maalmahaan soo badanayay Qolooyin xaasidiin ah oo aan u ogalayn libinta Mashruucaas Garacad xukuumadda Gaas, sidaa la ajligeedna durbadiiba Mashruucaas awgii Mawjido siyaasadeed oo xaasidnimaysan iyo dacaayado meelo Puntland ka baxsan laga maalgalinayo durba suuqa lagu soo daayay (Cajabeey Cajabay annigu)

Halkaan ka dhagayso wasiirka Kaluumaysiga oo si fiican u sharaxaya istaraajiyadda ay Xukuumaddu ka leedahay Dekadaha Puntland