Maxaa Ka Jira In Caasimadda Soomaaliya Si Ku Meel Gaara Garoowe Lowgu Wareejinayo

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Warar P/O si hoose usoo gaaraya ayaa sheegaya in Gudoomiyayaasha Aqalka Sare iyo Aqalka hoose ay ku taliyeen in caasimadda Soomaaliya si ku meel gaara Garoowe lowgu sii wareejiyo.

Dhanka kale waxaa socda fikir kale oo isna oranayaa Soomaaliya waxay u baahantahay Dhul cidla ah oo hadda iyo kow loo qorsheeyo in laga dhigo Caasimadda Soomaaliya, inta dhulkaas lasii dhisayana hadda Caasimadda Soomaaliya si ku meel gaara Garoowe lowgu sii wareejiyo.

Waa haddii dan Soomaaliyeed loo tanaasulayo, waayo markasta oo ay wax hagaagi waayaan waxaa la sameeyaa isbadel.

Muqdishona laga dhigo Caasimadda Ganacsiga Soomaaliya

Tusaale ilmahaaga haddii uu daraagis iyo khamri billaabo oo aad u taagwaydid, waa in aad meesha uu daganyahay ka rarto oo calaa aqali xaafadda uu deganyahay ka rarto oo meel kale u rarto, oo jawi kale gaysid oo waliba aad markaan qorshe cusub oo aad si fiican u qorshaysay u dajiso oo aad mashquuliso, markaan haddaad waqtina galiso 90% waxay u badantahay in uu qorshaga cusub wax isaga badalaan oo uu khamrigii iska daayo.

Hadda waxay ahayd in saas loo fakaro caasimadda haddii muqdisho wax looga socodsiin waayay meelkale si ku meel gaara loo geeyo.

Runtiina dadka dawladda u shaqaynaya waxay u baahanyihiin deganaasho iyo cabsi la’aan, waa in aynan madaxda qaran ciidama shisheeye waardiyayn.

 

 

Horay ayaan ugu cadaynay P/O in aynan hadda Muqdisho noqon karrin xarun ay dawladda Soomaaliya iyo Golayaasha shircidajintu ku shaqayn karaan.

 

Cadayn Muqdisho Ma Noqon karto Caasimadda Soomaaliya Haddii Qaran Soomaaliyeed la Doonayo (Qaybta 1aad)

6 Responses to Maxaa Ka Jira In Caasimadda Soomaaliya Si Ku Meel Gaara Garoowe Lowgu Wareejinayo