Maxaa ka Jira in DFS(DamJadiid) Ay Hub Ka Iibsanayso Russia

Filed under: Important News,Wararka |

Bil xaqiiqiyan Soomaaliya Hub uma baahna oo hubka aduunka ugu badan baa yaal, hubka Soomaaliya yaal hadda cid aan Soomaali ahayn laguma gumaado, isla markaana xabad kasta oo la geeyo Soomaaliya waxay ku dhacdaa ruux Soomaaliya, waxay khal khal galisaa nabad galyada iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Soomaaliya uma baahna Hub ee waxay u baahantahay dib u heshiisiin iyo shacabka oo la mideeyo, waxaana tusaale u ah Alshabaabkii Puntland weeraray ee kunka ku dhawaa sida durba looga guulaystay waayo shacabka ayaa midaysnaa ee hub loogama adkaan, halka Alshabaab intaas ka tirayar ay ciidamada Kenya la dagaalamayeen 2 sano isla markaana ay ka adkaan waayeen, Xasuus ciidamada Kenya ayaa waxaa taageerayay dhamaan quwadaha aduunka.

Taas ayaa cadaynaysa in aynan Soomaali Hub u baahnayn, ruux kasta ama dawlad kasta oo Hub Soomaaliya gaysa waxay cadaynaysaa cadawtinimada ay Soomaali u qabto.

Qolooyinka ku qaraabta Soomaaliya Ciidamadeeda hala hubeeyo waa khaa-imiin oo waxaa ka horeeya in marka hore dawladnimad Soomaaliya la hagaajiyo oo dawlad ay shacabku kuwada kalsoon yihiin loo dhiso, kadibna dib u heshiisiin shacabka loo sameeyo, marka ay soo noqoto kalsoonida shacabka iyo wax wada lahaashaha , markaas ka dib ciidam lagu wada midaysan yahay loo dhiso oo waa markaas marka cid walba oo cadaw ku ah nabad galyada laga adkaan karo.

Hadaba waxaan cambaaraynaynaa in Xukuumadda Culusow ay hadda doonayso in ay hub ka iibsato shirkado Russian ah oo warkaas oo sugan uu jiro.

Puntlandobserver Desk