Maxaa ka jira in Isbadal lagu samaynayo Aqaasimayaasha Wasaaradaha Puntland (Xog muhim ah)

Filed under: Important News,Wararka |

Warar ay warbaahinyta Puntlandobserver si hoose u heshay ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Puntland uu garawsaday in aynan xukumadiisu taayar hore u qaadayn illaa inta la helayo Nidaam wada xisaabtan oo kala madaxbanaan oo ku salaysan in Shaqada wasaaradaha ay Agaasimayaal shacabka Accountble uh ama cidda soo xulaysaa ay tahay Shacabka uu jiraa (Calashaan uu jiraa xeer hoosaad wasaaradeed iyo Gudi loo xulo tartansiinta Agaasimayaasha u tartamaya wasaaraddaas oo Criteria lagu kala baxayo) Gudigaas cidii ay doortaan uu markaas Madaxwaynuhu aqbalyo ama diidayo haddii si qaldan loo maray markii ay xulistu socotay, sidoo kalena uu jiraa xeer isna sheegaya qaabka xilka looga qaadikaro agaasimaha.

Calaa aqali haddii uu Agaasimuhu Madaxwaynaha Accountble u noqdo waxaa dhacaysa Musuqmaasuq iyo in uu agaasimahaas Madaxwaynaha kaliya dhegeysto, waana qalad oo waa qaab diktaatooriyad ah kana filo Musuqmaasuq iyo isla xisaabtan la aan.

Haddii uu agaasimihii Wasiirka Accountble u noqdo waxaa dhacaysa hadhow in uu Agaasimihii amarka wasiirka ku shaqeeyo oo markaas meeshii musuqmaasuq ka filo.

Laakiin waxaa la rabaa in Agaasimuhu uu Accountble u noqdo Guddi illaa 9 ruux ka kooban oo matalan 3 ruux ay yihiin dadka Qadiuyadda iyo aaminnimada lagu yaqaan 3 ay yihiin dadka ugu aqoonta badan arrimaha wasaaradaas ama sadexda qof oo mid shaqaadada ugu saraysa, iyo labada mudada ugu dheer wasaaradda soo joogay, 2 ay matalan ka socdaan Hanti dhowrka, 2 kasocdaan saxaafadda Madaxa banaan.

isku soo duub si meesha musuqmaasuq looga illaashaa waa in aannu Madaxwaynuhu soo magacaabin Agaasimayaasha, ama Wasiirku soo magacaabin, ee Gudigaas ay soo xulaan, balse wasiirka iyo Madaxwaynaha iyo xubin kasocota wasaaradda shaqada ay eegaan oo aqbalaan sida hawsho tartanku u dhacday.

dhanka kalena Wararkan ayaa sheegaya in ay hadda Xukuumadda Madaxwayne Gaas arrinkaas ilgooniya ku haysto, lana filan karo wiigaga soo socda warbixino arrimahaaas la xirrira.

Waxayna shacabku ku qaymayn doonaan Madaxwaynaha hhadba wadada uu qaato, ma wuxuu noqonayaa Madaxwayne uga taga shacabkiisa nidaam daro iyo musuqmaasuq, mise mid u horseeda Nidaam iyo isla Xisaabtan dhab ah oo sharcigu ka sareeyo cidwalba.

Sodd kale waxaa la sheegayaa in uu hareeyay musuqmaasuq baaxadwayn wasaaradaha Puntland isla markaana uu wasaarad kasta Agaasime xoog isaga maamusho dhaqaalaha wasaaradda, wasiirkiina aanu waxba ka qaban karin, sababtoo ah Agaaismaha waxaa soo magacaaabay Madaxwaynaha wsidaas awgeed ayuu wuxuudhagaysanayaa oo qura Madaxwaynaha cidkale dhag jalaq usiin maayo.

Madaxwaynuhuna kama warhayn karo waxa ka socda wasaaradahaas faraha badan.

Markaas aakhirka Xukuumadaas waxaa ku badanaya hanti lunsiga amar ku taaglaynta nidaam daro iyo musuqmaasuq, Waxaana ka hor imanaya Shacabkii oo filo in la rido.

Maqaal arinkaas la xiriira halkaan ka akhri