Maxaa kaaga baxay Agaasimayaashii iyo Garsoorayaashii la magacaabay (Falanqayn)

Filed under: Wararka |

Dalalka shacabkoodu baraarugsanyihiin, oo shacabku ay dalkooda xukumaan, oo nidaam Dastuur iyo xeer in lagu dhaqmaa ay ka hirgalleen, Madaxda dawladdu marnaba awood umalaha in ay magacaabaan Garsoorayaasha Gobalada iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha.

HALKAAN KA EEG DASTUURADII PUNTLAND SOO MARAY OO DHAN


Dastuurka-puntlland
Wadamadaas waxaa ka hirgalay in aan cidna Geesna uga leexan karin Dastuurkii, xeerkii iyo Nidaamkii umaddu ku heshiisay.
Tallaabo kasta ee xukuumaddu fulinaysaa waa in ay tahay talaabo dastuurka waa faqsan, waliba waa in dastuurka marwalba dib u habayn lagu sameeyo, si uu ula jaanqaado nimaadka iyo dastuurka iyo xeerka Dunida kale looga dhaqmo.

Cidna marna marmarsiinyo kama dhigankarto si aanu dalka horumar u gaarsiinno awgeed ayaan dastuurkii shacabka uga leexanay, ciddii ama xukuumaddii Dastuurka ka leexatana waa in si hoose iyo si koraba loo xasuusiyo in ay ka leexdeen dastuurkii shacabku dhigtay.

Madaxda Puntland xukunka ma aynan qabsadeen haddii aynan shacabka Puntland Dastuurka aynan qadarin lahayn, xukuumaddii faroole waxay isku dayday in ay Dastuurka jabiso laakiin shacabkaa ka diiday.

Laakiin waxaa tixgallin mudun in la qadariyo “DOOD IYANA MUHUM AH OO IYANA ORANAYSA” waa in aan la is barbardhigin marna dalalka horumaray ee dhaqaalaha faraha badan iyo aqoonta iyo Xirfadda dadkoodu leeyihiin, isla markaana ay shacabka dalalkaasi ay si toosa uga wada qaybqaataan siyaasadda dalkooda iyo waxa ka socda, ee aynan dalka maamulin kooxyar.

Waxaase Xaqiiq ah dalalka soo koroya in ay u baahanyihiin kooxyar oo wadaniyiin ah oo aan cidna u nixin ee wadada saxdaa xoog ku jiirsiisa dadkaan dhagoolkaa ee aan waxa saxsan iyo waxa qaldan xiligan aan kala garan karin.

waxaase marnlba lagama maarmaan ah in shacabku ay marwalba awoodda saaraan in aynan xukuumaddu marna isku dayin in ay hareer marto DASTUURKII DALKA EE LAGU HESHIIYAY, IYO IN AY SHACABKU XAFIDAANW WAXA DASTUURKA KU QORAN, IN MARKASTA AY SHACABKU SI ISKAA WAX U QABSO AH UGA SHAQEEYAAN SIDII DASTUURKA QODABADIISA DALKA LOWGU DHAQI LAHAA, IN AY SHACABKU KA FEEJIGNAADAAN IN AY U NACAMLEEYAAN MADAXDA DALKA, EE TAA BADALKEEDA AY LA XISAABTAMAAN OO YIRAAHDAAN ” QODABKAAN WAXAA KU QORAN SIDAN”.

MARKA LABADABA WAA LOO BAAHANYAHAY, SHACAB FEEJIGAN IN AAN MARNA LA HAREERMARIN DASTUURKOODII, MADAX AY KA GO’ANTAHAY IN DALKA LA HORUMARIYO WADAKASTA HALOOMARO.

Wadamada horumarka gaaray ee dalalka soo koraya waxaa markii hore wadanka isku soo duba riday kooxo yar, laakiin wadaniyiin ah, markaas kadib ayaa si tartartiib ah shacabkii meel hoose wax looga soo bilaabay, oo wacyi galin ballaaran loosoo sameeyay.

Shacabka Soomaalidaa ee hada nool, waxay necebyihiin ruuxa wanaagsan, waxay necebyihiin ruuxa daacaddaa oo wanaagga la jecel, waxay jecelyihiin ruuxa yaqaan sida loo khiyaameeyo, iyo ruuxa beenta ku dhaqa, waxaana ay la mid noqdeen, MAAH MAAH AY SOOMAALIDU INTA BADAN AY CAADAYSTEEN, OO AH

“DUMARKA BEEN KUSOO XERAGALI RUNNA KU DHAQ”

Marka isku soo duub WAA DOOD AAD U CULUS IN AY HADDA SOOMAALIDU U BISILYIHIIN DIMOQRAADIYAD IN kale.

FADLAN FIKIRKAAGA KA DHIIBO

.

HALKAAN KA EEG MAQAAL SI KOOBAN UGA HADLAYA QAABKA AGAASIMAYAASHA LOO MAGACAAABO

One Response to Maxaa kaaga baxay Agaasimayaashii iyo Garsoorayaashii la magacaabay (Falanqayn)