Maxaa Kaaga Baxay Bookhashadii Dr Waleed Guriga Madaxwaynaha Iceland oo Aan Cidna Waardiyaynayn (Qormo kooban Muhiimadda Cadaaladda)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

cadaalad
dr waleed and justuce
Waxaan warbaahinta P/O muddo 4 sano ah ku faafinayay muhiimadda Cadaaladda halkaan ka eeg mid ka mida maqaaladaan baahinayay 4 sano ka hor —> See Soomaaliya Loo horumarinkaraa, waxaa lagu horumarinkaraa Cadaalad, Cadaalad, Cadaalad(Warbixin Muhiima oo kooban fadlan ka faa-iidayso oo akhri).
Waxaana maanta si aada iisoo jiitay Maqaal kooban oo uu bartiisa facebuugga ku daabacay Dr Waleed mar uu bookhday guriga Madaxwaynaha Iceland oo uu Dr Waleed markii uu bookhday aad ula yaabay kadib markii uu waayay cid waardiyaynays iyo darbi ku teedsan toona.

Dr Waleed ayaa hadalkiisa ku soo koobbay markaad u cadaalad fasho ummadda aad hoggaaminaysid oo aad dhistid nidaam cadaalad ku shaqaynaya uma baahan doontid cid ku waardiyaysa iyo kharashaad fara baddan oo kaaga baxa in dadkaaga lagaa waardiyeeeyo.

Sideedaba dalalka Nordic-ga ayaa shacabkooda si xad dhaafa loo fahansiiyaa muhiimadda cadaaladda iyo saamaynta ay ku leedahay nolosha shacabkooda.

Maxaa ka xun in aadan dariiqa dalkaaga si xor ah u lugayn karin, maxaysa nolosha noocaasa kaaga dhigantahay marba hadaadan si caadiya kaligaa dariiqa u mari karin, maxayse kuu soo kordhisay madaxtinimadii aad heshay marba haddii shacabkaagii lagaa waardiyaynayo.

Waa sababtaas sababta ay cadaaladda dalalka Nordic ay lama taabtaan u tahay, waxaanad dalalkaas ku arkaysaa qofka dalka ugu ajnabi neceb ee cunsurigaa, markay sheekadu noqoto arrimo la xiriira sharciyada dalka iyo Dastuurka, marna kuma safaadaan, waayo Soomaalidaa waxay tiraahdaa bidaari sibiq bay kugu gashaa, marba hadaad jabiso sharciyadii lagu heshiiyay oo marka aad ajnabi arragto aadan sharciga ku dhaqmin, waxaa suuroobaysa in sharcigii lagu heshiiyay la jabiyay, mar haddii sharcigii la jabiyay waa sidii loo jabiyay oo hadana waxaa ku xigaysa in isla dadka dalka u dhashay kuwooda taagta daran iyagana sharcigii la jabiyo marka arrimahooda laga duulayo, waana sababtaas sababta ay u tahay lama taabtaan in aan sharciga marna la jabin ee sidii lowgu heshiyay lowgy dhaqmo, oo dalalka Nordic 100% waxay isku dayaan in sharcigu ka sareeyo shakhsi kasta.

Marba haddii sharciga loo siman yahay waxaa meesha ka baxaysa sabab ruux gooniya loo bartilmaamadaysto ama ha noqdo madaxwayne ama nin taajira.

Waana intaas inta ay garan waayeen Madaxda Africa oo haddii ay u tanaasuli lahaayeen in sharcigu shaqsiga ka sareeeyo oo hunguri xumada iy xukun boobka iska dayn lahaayeen waxay lugayn lahaayeen dariiqyada iyagoon cidna waardiyaynayn.

Si kooban u diyaariye Ibrahin Sh Mohamed Gablax gablax@yahoo.com

Qaar ka mida maqaaladii hore ee Ibrahin Gablax
Dib u daawo Cilmibaaristii sanad kahor uu Ibrahin Gablax ka diyaariyay (isla xisaabtanka,Bangiyada iyo Tamarta,Quutul daruuriga,GDP iyo Miisaaniyadda, Dawladwanaag )

http://www.puntlandobserver.com/dib-u-daawo-cilmibaaristii-sanad-kahor-uu-ibrahin-gablax-ka-diyaariyay-isla-xisaabtankabangiyada-iyo-tamartaquutul-daruurigagdp-iyo-miisaaniyadda-dawladwanaag/

One Response to Maxaa Kaaga Baxay Bookhashadii Dr Waleed Guriga Madaxwaynaha Iceland oo Aan Cidna Waardiyaynayn (Qormo kooban Muhiimadda Cadaaladda)

  1. Pingback: Maxaa Kaaga Baxay Bookhashadii Dr Waleed Guriga Madaxwaynaha Iceland oo Aan Cidna Waardiyaynayn (Qormo kooban Muhiimadda Cadaaladda) - Daily Somalia Report