Maxaa kaaga baxay Talooyinkii Suxufi Culus Maxamed Aadan Terre

Filed under: Wararka |

Saxaafaddu waa halbawlaha bulshada, waa halka ugu muhiimsan ee umadda laga haggo, waana miskaxda ama wadnaha Bulshada, umadda saxaafadda lagala dagaallamo waa ummad cadaawad xun loo qabo.

Saxafi sare

Maxamed Aadan Terre

Saakay markaan talooyinkiisa daawannay waxaa durba noo soo baxday baaxadda ay leedahay fahansanaanta uu u leeyahay Suxufi Terra muhiimmadda doorka saxaafaddu ay ka qaadato jahaynta iyo wacyigallinta bulshada, ka shaqaynta islaaxa horumarka iyo nabadgalyada, ladaggaallanka musuqmaasuqa iyo ka digtoonaanta u nacamlaynta madaxda dalka loo doortay in ay qabtaan shaqooyinka ay soo codsadeen ee loo igmaday in ay bulshada u qabtaan.
FALANQAYN SIYAASADEED
Terra ayaa suxufiyiinta Puntland runta u sheeggay oo ku yidhi, suxufiyiin ma tihiin ee ganacsadayaal baad tihiin, waxaad soo tabisaan wixii la idiin sheeggo waliba nin madax ah ayaa idiin yeerta shir jaraa-id buu qabtaa, dabadeedna wax allaale wixii uu ku hadlo ayaad soo tabisaan dabcan xoogaa xaqul shaahana waad qaadataan, laaakiin warkaas xitaa xaqiiqdiisa dabagal dheeriya kuma samaysaan.

Hadaba Terra ayaa suxufiyiinta u bidhaanshay in ay taasi shaqada saxaafadda katahay 5% ooqudha, balse suxufiga ay saarantahay Masuuliyad baaxad wayn oo ladoonayo in ay bulshada lasoo socodsiiyaan meesha dhaqaalaha dalku marayo, meesha ay marayso canshuurtii dadka laga qaaday, haddii musuqmaasuq iyo ku takrifal awooddeed uu jiro cidda ficilkaas samaynaysa, meesha uu marayo Golihii Garsoorka, xukuumadda iyo Sharcidajinta, iyo dabcan dhanka wanaagga iyo horumarka xukuumaddu ku tallaabsatay si bulshadu kala shaqayso xukuumadda horumarkaas danta guud.

Arrimahaas oo dhan bay ahayd in ay suxufiyiintu mas uuliyad iska saaraan ee ma ahayn oo qura, in ay shacabka usoo tabiyaan daawo sawirada wasiirka XX oo furiya warshadda Cabitaanka.