Maxaa sahla in laguu isticmaalo siyaasadda Qaybi oo xukun(Divide and Rule) (Akhri waa warbixin muhima)

Filed under: Wararka |

divide
Waxay Puntland observer marar badan shacabka Soomaaliyeed usoo bandhigtay siyaasadda Qaybi oo xukun, iyo sidda ay Saamayn wayn ugu lahayd Burburkii kadhacay Soomaaliya inagoo waliba aan awoodda saarnay dhacdooyinkii 30kii sano ee u danbeeyay Halkaan ka akhri Qormadii Hore ee Qaybi oo xukun

Waxaan ka afeefanaynaa Beelaha aan soo Qaadnay magacyadoodda laakiin tani waa mid aan shacabka uga digayno in aan lagu taageerin Kooxaha magaca Qabiilka ku qaraabta oo saas shacabka fidno ugu abuura, waana mid aan ku niyad jabinayno qolooyinka ficiladaas xun caadaystay in aynan sifudud ugu dhiiran haday ku dhiiradaana aan ku fashilinayno si ay ugu adkaato inay miro fiican ka gurtaan.

Maanta waxaan Qormadaan si kooban ugu eegaynaa Goormaa bulsho lakala qaybin karaa, ama loo isticmaali karaa siyaaasadda Qaybi oo xukun ee aan kor ku xusnay.

Kaliya waxaa bulsho lakala qaybin karaa marka Hogaanka Bulshadda xukuma iyo xukuumadiisu ay Cadaalad daro ku sameeyaan bulshadda ku aamintay Masiirkooda, waa xisaab aad u sahlan sidda 2+2, waxaana kuugu filan tusaalihii u danbeeyay ee Masar ka dhacay markii Kooxdoo Aklhwaanu Muslimiin ay waxwalba iyagu qaateen oo cadaaladii katageen.

Marka dadka adeegsadda siyaasadda Qaybi oo xukun waxay awoodda saaraan in ay helaan Hogaan ku dhiiradda in uu cadaalad darro samyeeyo, markaas ayay si hoose hogaankaas u taageeraan, waxaana inta badan loo badiyaa in ay xataa markii hore Hogaankaas kutaageereen in uu Meesha tago, waayo waa shakhsi ay yaqaanaan A to Z oo ay ogyihiin qaab dhaqankiisa iyo heerka uu gaarsiisanyahay kartidiisa iyo fahan daradda cawaaqib xumadda ay keento marka aad Hogaan umadeed tahay, isla markaana aad Cadaalad daro ku dhiirato.

Waxaanan dhihi karnaa Cadaaladu waa barta ugu muhiimsan ee uu horumar bulsho ku xiranyahay, waa barta laga cabiro mustaqbalka bulsho, hadii ay bulshadaas helaan Hogaan cadaaliya waa bulsho mustaq fiican oo ifaya leh, hadiise ay helaan bulshadaas hogaan aanba fahansanayn muhiimadda Bulshada aad xukunto oo loo cadaalad falo, ee uu hogaankaas ku dhiirado kaligi talisnimo, wax isdaba marin, wax khiyaamid, xukun jacayl, hanti uruursi, koox soo dhawaysi ama Qaraabo soo dhawaysi. waxaa fudadaanaysa in Bulshadaas ay iyadu iskeed u qaybsanto, ama Qolo kale ka faa iidaysato kashaqaysato sidii loo sii kala qaybin lahaa.

Qormooyin badan bay Pundtland observer kaqortay muhiimadda cadaaladda halkaan ka eeg Qormooyinkaas.

1) Cadaaladda iyo saamaynta nolosha bini -aadamka(Warbixin Kooban)

2) Maxay Soomaaliya la dagi la’dahay, maxaase u sababa in rajadu maalinba maalinta ka danbaysa siixumaato(Akhri warbixin muhimma)

3) See Soomaaliya Loo horumarinkaraa, waxaa lagu horumarinkaraa Cadaalad, Cadaalad, Cadaalad(Warbixin Muhiima oo kooban fadlan ka faa-iidayso oo akhri)

4) Maxaad ka taqaanaa Xukunka Dalka oo lakala Qaybsho(Separation of powers- waa Demoqraadiyadda saxdaa) ama xukunka Dalka oo Koox ama shakhsi gacanta ugala(authoritarianism) (Akhri maqaal xiisa baddan)

Qormooyinkaas iyo Qaar kaloo badan ayay Puntland observer usoo bandhigaysay Bulshadda Soomaaliyeed si ay u fahmaan muhiimadda umadda oo loo cadaalad falaa iyo Saamaynta mustaqbalka fog iyo kan dhow ee Cadaalad daradda oo lagu dhiiradaa ay keento.

Hadaba Bulshadda Soomaaliyeed sow ma haboonna hadda kadib ruuxa ay Hogaanka ka dhiganayaan in ay aad isaga soo akhriyaan oo uu yahay ruux ay yaqaanaan A-Z, Ruux aan waligi ku dhiirin wax isdaba maris, iyo eex, ruux ay sifiican u yaqaanaan min sal illaa baar.

Baryahaan danbe ayaad arkaysaa kooxaha nalooga dhigo Hogaamiyayaasha in ay yihiin kooxo UN-ta mudo dheer lasoo shaqaynayay, tan oo aan u fahmay in ay UN-tu iska soo akhriyeen Koodhka ama cidda uu yahay shakhsigaan, laakiin Soomaalidu aynan lahayn karti ay hogaamiye uga dhigtaan ruux ay iska soo akhriyeen iyagu koodhkiisa oo ay aad u yaqaanaan qofka uu yahay.

Waxaa intaa dheer kooxihii aragtidoodu ay ku salaysnayd Qabyaaladda in ay dabadda kasoo riixaan ruux ay Beel ahaan usoo akhriyeen koodhkiisa oo ay ogyihiin in uu beel ahaan wax ugu keenayo, iyagoon taladda ku darsan hadii ay dantii Soomaali ka dhaxaysay dayacaan in aynan danta Beeshooduna hagaagayn.

Marka akhristow Mowduucyadaan ay Puntland observer soo bandhigtay waa mowduucyo ka Soomaali ahaan noo wanaagsan marka fadlan kudaabac Pageska aad garanayso, nala qaybso wixii aad nagu saa iidinayso.

puntlandobserver@gmail.com
ama halkaan nagala soo xirii–> Contact us

Puntllandobserver-desktop