Maxaad Ka Taqaan Dagaalka Dahsoon ee Ruushka Iyo Maraykanka Halka Aduun Marayo, Iyo Halka Dagaalka Dadqalatada ee Shacab Miino Lagu Qarxinayo Farqiga U dhexeeya (Aflaam muhiima)

Filed under: Important News,Wararka |

Aduunka maanta ayaa dadka indheer garadkaa ku timaamaan aduun gabo gabo ah, waxaana ay dalalka horumaray cilmiga aduunka ka gaareen wax uunan qofka caadigaa xitaa ku riyoon karin in bini aadan ay waxaas iyo horumarkaas samayn karaan, calashaan aynan miskaxda qofka caadigaa xitaa arki karrin in bini aadan horumarka intaas le’eg samayn karo.

Dalalka Ruushka iyo Maraykanka ayaa inta badan dagaalkoodu wuxuu kusoo dhamaadaa bandhig dhanka saxaafadda ah, oo qolo kasta ay qolada kale tusayso in ay ka adkaan karaan haddii fool ka fool la isaga horyimaado, waxaana dhacda in sidaas awgeed aan dagaalba la isaga hor iman maadaama lasii ogyahay waxa dhici kara haddii fool-ka fool la isaga hor yimaado.

Maraykanka ayaa ku horeeya dhanka diyaaradaha, halka ruushkuna ku horeeyo dhanka gantaalada lagu soo rido diyaaradaha.

Dhanka kale Ruushka ayaa ku horeeya dhanka Taangiyada, Halka Maraykankuna ku horeeyo dhanka baasuukayaasha lagu burburyo Taangiyada.

Waxaanad mooddaa in Ruushku uu hadda soo saaray Gantaalada lagu burburiyo diyaaradaha dagaalka ee Sam ama s-400 iyo s-300, halka maraykankuna uu sameeyay diyaarad f-22 ee ka dheeraysa codka isla markaasna uunan qaban raadaarka Sam-400.
Bandhig dhanka saxaafadda ah ayay maraykanku kusoo bandhigeen in diyaaradda f-22 ay awooddo in ay burburiso s-400 maadaama ay dheerayso isla markaana uunan qabanayn signalka raadeerka s-400.

Dhanka kalena Ruushka ayaa Soo saaray s-500 taas oo lowgu talagalay in uu soo qabto signalka f-22 markay hawada soo gasho markaasna lasoo rido.

Waxaanad mooddaa in marka horeba ay is ogtahay qolo kasta awoodeeda sidaas la ajligeed aan loo baahnayn in fool-ka fool la isaga horyimaado ee qolada aan tabarta hayn ay inta badan is dhiibto inta ay ka soo saarayaan aalad ka casriyaysan kuwii hore, oo markaas ka dib ay suuqa tartanka kusoo biiraan iyo dagaalada xulufaysiga ee qoloba ay qolo difaacanayso, oo waxaana xitaa la isku ogaadaa adna qolada aad la jirto soo hubee, anna kuwa aan la jiro ayaan hubaynayaa oo arkaynaa ciddii guulaysata.

Intaas ayaa waxaa dheer hubka nukliyeerka ee ay labada dal haystaan oo haddii ay isku garaacaan uunan qofna ka harayn dadka dunida ku nool ” Illaahow dhibaatadaas ha noo keenin “.

Isku soo duub qormadaan ayaan ugu talagalnay in dadka looga sheekeeyo kooxahaan diinta sheeganaya ee leh gaalaan la dagaalamaynaa oo markaas caruurtii inta daroogeeyaan oo sixraan dumarka iyo caruurta miinada iyo bamka ku laynaya, iyo Bistoolad lagu dilayo qof masaajirka ku tukanaya, qofka wax dilayaa uu afka soo duubanayo oo hadhowna cararayo, talow lama socdaan miyaa dunida maanta, dadkaanse miyaynan waxna akhrin waxna dhagadhayn.

Haddii ay shacab ka dhaadhicinayaan in ay gaalo la dagaalami karaan, gaalo waa kuwaas waxaas oo awooda samaystaye iyagu irbad xitaa ma samayn karaan.
Mise xoogaaga qaraxyadaa ee Alqaa-ida la baray markii maraykanku ruushaka kula dagaalamayay Afqanstaan ee qaraxaa bay cilmi moodeen.

Nimankaan waa in lala doodo oo la yiraahdo aduunkee horta ku nooshihiin, diinteese haysataan, dadkaan horta dood ma ogol yihiin..

Daawo aflaamta.


2 Responses to Maxaad Ka Taqaan Dagaalka Dahsoon ee Ruushka Iyo Maraykanka Halka Aduun Marayo, Iyo Halka Dagaalka Dadqalatada ee Shacab Miino Lagu Qarxinayo Farqiga U dhexeeya (Aflaam muhiima)

  1. Pingback: Maxaad Ka Taqaan Dagaalka Dahsoon ee Ruushka Iyo Maraykanka Halka Aduun Marayo, Iyo Halka Dagaalka Dadqalatada ee Shacab Miino Lagu Qarxinayo Farqiga U dhexeeya (Aflaam muhiima) - Daily Somalia Report