Maxaad ka taqaanaa Geedka Kudkudaale ee Degmada jariiban (Dhageysa Geedka Kudkudaale Odayaasha Degmada oo sharaxaya)

Filed under: Wararka |

Geedka kudkudaale waa Geed Qurac ah oo harwanaagsan oo lamid ah Guriga Baarlamaanka ee lagu falaqeeyo xeerka iyo Sharciyada Dadka Deegaanka jariiban.

Halkaan ka dhageyso Odayaasha Degmada jariiban oo Sharaxaya Geedka Kudkudaale
jariiban

Hadaba Xiligii Doorashada Xildhibaanada ee Puntland ay socotay ayay Odayaasha Deegaanku soo jeediyeen in Geedka Kudkudaale ay yimaadaan cidii isku sharaxaysa Xildhibaanka matalaya Degmada si halkaas ay Doorasho xalaal ah uga dhacdo.

Shabakadda Warbaahinta Puntlandobserver oo Jeedaalisa sida ay Shacabka soomaaliyeed qadarin iyo mudnaan u siiyaan ku dhaqanka Xeerka Dastuurka Sharciga iyo fulinta wixii si wadajir ah la isku raaco.

Marka marwalba buolshada ayaan xasuusinaa muhiimadda in ay leedahay iyadoo lagu dhaqmo xeer iyo Dastuur umadi isku raacday.

Caalamka horumaray waxaa xeerka u xilsaaran Golaha sharcidajiyayaasha oo marka hore waxwalba oo lagu dhaqmayo qaabkii lowgu dhaqmi lahaa sharci iyo xeer u sameeya, markii xeerkaas la isku raacana aynan cidina dhan uga bayrin xeerkaas la isku raacay.

Tusaale hadii Xildhibaan deegaan laga soo dooranayo waxay ahayd in Golaha Sharci Dajinta ee Puntland ay Xeer yar oo kooban usoo sameeyaan Qaabka looga soo xulayo xildhibaankaas deegaanka uu kasoo jeedo, Kadibna Deegaan kasta oo puntland ku yaal xeerkaas uu soo maraa saxaafaduna shacabka lasoo socodsiisaa.

Intii ay puntland jirtay shaqadaas yar xataa waa fulin waayeen Golaha Sharci dajinta Puntland oo hada 16-guuradiisii loo dabaal dagayo (Fadeexad iyo Ceeb waynaa)

Waxaana kasii daran xitaa malaayiinta Doolar ee ay hay-adaha Qaramadamidoobay ku maalgalin jirtay Puntland in Doorasho xalaala ka dhacdaa.

Tifatiraha Puntlandobserver@gnmai.com

One Response to Maxaad ka taqaanaa Geedka Kudkudaale ee Degmada jariiban (Dhageysa Geedka Kudkudaale Odayaasha Degmada oo sharaxaya)