Maxaad ka taqaanaa Xukunka Dalka oo lakala Qaybsho(Separation of powers- waa Demoqraadiyadda saxdaa) ama xukunka Dalka oo Koox ama shakhsi gacanta ugala(authoritarianism) (Akhri maqaal xiisa baddan)

Filed under: Wararka |

Diktaator

Puntland-observer waa warbaahinta kaliya ee doonaysa in ay Soomaalida indhaha u furto oo wadada saxdaa ay qaadaan Soomaalidu, marka fadlan nala shaqeeya oo nagala qaybqaata shaqadaas (Jazaakumullaah).

Halkaan ka eeg Musharax Gablax oo aad ugu soo bandhigay arinka asalkiisa

Ujeedada aan maqaaladan usoo diyaarinayno waa in ay shacabku baraarugaan oo ogaadaan, kuwa isle waxbaad sirikartaan ama dad baad casrigaan khaldikartaan in lala xisaabtamayo oo waliba waxaan rabnaa in ay isdhiibaan oo garawsadaan in sirtoodii, khiyaamooyinkoodii maanta cidwalba ay fahansantahay, sidaa awgeedna ay ku khasbanyihiin in ay shacabka dhinac karaacaan.

Kuwa aan Soomaalida ahayn ee Gacanta sadexaadda oo gadaal siyaasadda ka ciyaara qudhoodu in ay garowsadaan in xiligaas ahaa xili hore ee lajoogo xiligii loo baahnaa in ay shacabka Soomaalida ah kala shaqeeyaan wanaaga iyo walaaltinimada, ayna garowsadaan in shacabkaan ay kala garankaraan cida wanaagga ladoonaysa iyo cida Qawda maqashii waxna ha uqabn kuwada.

Haddaba akhristow maqaalkan waxaan ku kala bayaaninaynaa kala duwanaashaha Demoqraadiyadda saxdaa iyo Demoqraadiyadda Dahsoon iyo Dektaatooriyadda tooskaa.

Aan ku bilowno eray bixnadaan
Authoritarianism (waa nooc dawlad ay taladu shakhsi ka go’do, shakhsigaas oo aannu qaban ama aannu xadidin dastuurka dalku dhigtay, ama aan la mucaaradikarin, lana dacaayadayn karin)
Authoritarianism – a form of government in which the ruler is an absolute dictator (not restricted by a constitution or laws or opposition etc

Demoqraadiyadda asalkaa(waa marka Dastuurka wadanka lagu xukumo, isla mar ahaantaanna hay-aduhu kala madaxbanaanyihiin sida tan fulinta(executive branch), tan Golaha wakiiladda ama sharci dajinta (legislative branch), tan Golaha Garsoorka (judiciary branch), Madaxtooyadda, Saxaafadda, Dhaqaalaha, Guurtida -dhamaan hay-adahaas waa in mid walba si saxa lowgu bayaansho Dastuurka, waana in midwalbaaba howshiisa lagu cadeeyay Dastuurka uu ku ekaadaa ee aanu hunguriyayn howlo aanu isagu lahayn)

Marka si fudud wadamadee ku dhaqma Demoqraadiyadda saxdaa ee lagu saleeyo awoodda dalka oo lakala qaybsho(Separation of power and checks and balance)

Hadaad linkigaas furto waxaad arkaysaa in wadamada ugu horumarsan aduunkan maanta in ay yihiin wadamada Demoqraadiyadda asalkaa ay ka jirto, isla markaana uu xukunka iyo awoodda intiisa badan ay gacanta ugu jiraan Golaha wakiiladda, waayo Golaha wakiiladda waxaa soo doortay shacabka khaasatan waxay matalaan degmooyinka maadaama waxaan uu yahay wax la isku darsaday, waa in ay jirtaa Degmakasta cid iyaga siyaasadda uga wakiil ah, waayo Madaxwaynuhu ma matali karo Dagmooyinkoo dhan waayo hal Degmuu kasoo jeedaa, sidaas ayaa awoodda inteeda badan loosiiyay Golaha wakiiladda, iyadoo lagu bayaanshay Dastuurka….

Wadamadee hadaba aduunka ay Koox ama shakhsi qura maamullaa iyagana
Halkaan kilig garee oo ka eeg wadamadda qaabka kaligitalisnimadda (Authoritarianism) lagu haysto

Akhristow waligaa kaligi taliye hataageerin xataa hadii uu lugaha iyo Gacmaha dahab kaaga xiro, waayo hadaad taageedho adoo ugu xilanaya xoogaaga dheerigaa ee uu kusiiyay, waxaad ka fakartaa cawaaqib xumadda (consequence) uu ku reebi doono mustaqbalka ubadkaaga oo loo qabsan doono markaad taageeraysay wixii aad cuntay, sida Soomaaliya ka raacday Beesha Daarood taageeradii ay xaqdaradda ku taageereen Siyaad Barre oo kaliftay in Muqdisho, iyo Hargeysa laga saaro.

Halkaan ka eeg Qaaradda aduunka oo kalaro lookala sameeyay wadamada Dimoqraadiyadda haysta iyo kuwa kaligi taliyaashu haystaan
Sawirka ayaa Demoqraadiyadda ugu wanaagsan Cagaar mugdiya.
Halka Dektaatooriyadda ugu khatarsana lasiinayo Guduud ama Casaan Mugdiya.
Soomaaliya ayaa laga saaray kalarada maadaama aynan dawladba ka jirin, sawirkan waa 2012.

Waxaa cajiiba Kenya iyo Ethiopia oo ku dooda in dalalkooda ay Demoqraadiyad kajirto kalarka Maabkaan loo yeelay oo ah in Diktaatooriyad labada dalba lagu haysto, waayo dadka Sawirkan sameeyay waa dad aan lakhaldi karin sida saxaa ayayna u muujiyeen.

Labada dal ee Kenya iyo Ethiopiaba waa khaa-imiin kuwa xukunka haysta, waxayna ku doodaan in shacabkoodu Demoqraadiyad helaan, waana Demoqraadiyad been been ah oo khaa-inimo ku hoos qarsoontahay iyo qawda maqashii waxna ha uqaban.

Xoogaa waxaa qaaradda afrika Demoqraadiyadda soo dhawaysay South Africa iyo dhowr dal oo kale, oo aan laakiin marna u dhawayn wadamada reer galbeedkaa.

Wadamada Carabta ayaa dhamaantood waxaa haysta kaligi taliyayayaal.

.

Halkaan ka eeg aflaam xiisa badan oo ka sheekaynaysa (Checks and balance).

Separation of Powers In the Federal System

US Government For Dummies

Three Co-Equal Branches of Government?

Legislative Powers & Limitations (Principles of the Constitution Series)

Executive Powers & Limitations (Principles of the Constitution Series)

Separation of powers

http://en.wikipedia.org/wiki/Separation_of_powers

Diyaariye Ibrahin Gablax gablax@yahoo.com

One Response to Maxaad ka taqaanaa Xukunka Dalka oo lakala Qaybsho(Separation of powers- waa Demoqraadiyadda saxdaa) ama xukunka Dalka oo Koox ama shakhsi gacanta ugala(authoritarianism) (Akhri maqaal xiisa baddan)

  1. Pingback: Siyaad Barre iyo Cabdirashiid Cumar Cali Sharmaake waa Sawirka Maanta iyo Qormo Gaaban | Puntland Observer