Maxaad kala socotaa muhiimadda Miisaaniyadda iyo xiriirka ka dhexeeya Miisaaniyadda iyo GDP-ga, sidee Miisaaniyadda kor lowgu qaadi karaa

Filed under: Wararka |

Bismillah.
Halkaan ka eeg Qaybtii 1aad ee Maxay wadamadda Horumarka Gaaray ku horumareen

waxyaalaha muhiimkaa een kaga hadlayno maqaalkan.
1) waa maxay miisaaniyad
2) Waa maxay GDP
3)Sidee Miisaaniyadda lagu kordhinkaraa.
4) Miisaaniyadda Soomaaliland iyo wasiirka maaliyadda S_land oo sharaxaya
5) Miisaniyadda Puntland iyo wasiirka Maaliyadda P_land oo sharaxay

Qaybta labbaad waxaan kaga hadlaynaa laba shay oo muhiima oo kala ah sidii Miisaaniyadda kor lowgu qaadilahaa(Government spending growth) iyo GDP (Gross Natioanl Product), xiriirka ka dhexeeya GDP iyo Miisaaniyadda

Micnaha GDP hoos ka eeg.

Hadaba waxaan ognahay in waxwalba aduunkaan ay u baahanyihiin kharash lagu socodsiiyo, hadii aan miisaaniyad iyo Kharash lahayn wax lahagaajinkaraa majiraan.

(Odoros)Waa maxay Miisaaniyadda dawladda ee sanadka (Fiscal Government budget or government spending).
Miisaaniyad sanadeedku ‘dawaladu waa dhamaan kharashaadka ay dawladdu odorosto oo kusocodsiinayso kharashaadka hawlaha Dawladda kubaxaya, sida wasaaradaha xukuumadda kharashaadka mid walba loo qoondaynayo sanadkoo dhan oo la isku wada daray.
Matalan wasaaradda Gaashaandhiga sanadka 2014 waxay u baahnatahay in ay Mushaar siiso 20,000 oo askari , oo min 200$, iyo Guri-wayn oo wasaaradda loo dhisayo oo 300,000$ iyo kharashaadka kale sida Batroolka, Cuntadda, Labiska askarta, Iibsiga hubka iyo Rasaasta oo isku noqonaya sidan.
Mushaarka askarta.
20.000*200$*12=48000000$
Mar hadii Mushaarkii Askarta oo aad u jaban oo min 200$ lasiinayo askarigii uu noqday kharashka sanadkii kubaxaya uu noqday 48 million$, dabcan kharashaadkii kale ee wasaaraduna wuxuu noqonayaa ugu yaraan 48 million$ iskudar waa 96 million$
Marka Miisaaniyadda wasaaradda Gaashaandhigga ee sanadka 2014 kubaxayaa waa 96 million$.

Hadii marka hadda bil-matal xukuumadda Puntland ay hadda magacawdo illaa 40 wasaaradood, bal caqligaaga gali kharash intee le eg ayay wasaarad kastaa u baahantahay muxuuse noqonayaa isku darka miisaaniyadda wasaaradaha xukuumadda.

Inta badan wadamada Horumaray Miisaaniyadda 2014 waxay sii odorosaan sanad kahor sida 2013, waxayna eegaan lacagta canshurtaa ee ay sanadka 2013 Soo xareeyaan taas oo ah halka laga dhiibayo ama loo isticmaalayo kharashka Miisaaniyadda 2014.

Hadaba Xagee laga keenayaa Miisaaniyadda dawladu kharash garayso(Government budget).
Dadka dhaqaalayahankaa waxay kusoo gaabiyaan miisaaniyadu waa hadba inta % boqolkiiba  GDP-ga dalka la canshuuro.
Halkaan kilig garee oo kadaawo Miisaaniyadda Maraykanka iyo GDP-ga marayka sanadkasta inta la canshuuri jiray

Hadaad daawatay sanadkii 1948-dii Miisaaniyadda Maraykanka waxay ahayd 38.7 Billion$, GDP maraykankuna wuxuu ahaa 1852,7 Billion$, halka lacagta miisaaniyadu katimidna waxay ahayd iyadoo GDP Maraykan 2% la canshuuray calashaan Miisaaniyadda 38 Billion ahi waa 0.0209*1852,7=38,7 Billion$.
Jaartarka ayaad arkaysaa in sanadkii 2011 Miisaaniyadda Maraykanka ay gaadhay 3752,6$ , GDP waxay noqotay 14 kun oo billion$ halka GDP la canshuuray 28% si miisaaniyad loo soo uruursho.

Hadaba waa maxay GDP.
GDP waxaa English lagu yiraahdaa Gross Domastic Product oo ah total value of all final goods and services that country produced annually
Afsoomaali hadaan isku dayo in aan ku micneeyo waa dhamaan adeeggii iyo allaabtii uu wadanku sanadkan soo saaray, calashaan aakhirka waa dhamaan adeegyadii iyo allaabihii Puntland sanadkan soosaartay.

Halkaan haka daawado qofkii English garanaya iyadoo faahfaahsan

Hadaba akhristow imisaad u malaynaysaa in ay ahayd Miisaaniyadda iyo GDP-ga Puntland sanadka 2013.
Miisaaniyadda Dawladda Puntland ee sanadka 2013 waxay ahayd oo kaliya 38.5 Million$ oo qura halka markaan xisaabinay 20 kun oo askari oo mushaar 200$ calaa askari lasiinyo ay sanadkii noqotay 48 million$, oo waliba hadii hal kaare loosoo iibshaa uu kaaruhu yahay 20 million$

Hadii matalan ruux aad u wanaagsan Puntland Madaxwayne looga dhigo isla markaana aanu ruuxaas uuba ku xisaabtamayo miisaaniyadda hadda ee ah 38 Million akhristow muxuu ruuxaas Puntland kusoo kordhinkaraa, sikasta oo uu hogaamiye cadaaliya u yahay.

Hadaba Akhristow hadda ma ila dareentay muhiimadda Miisaaniyadda Dalka oo lakordhiyo, ama hadaan sida kale u dhigo, maxay tahay maanta waxa lasocodsiinkarayo iyadoon miisaaniyad loohayn, qofkasta wuxuu ku shaqeeyaa lacag qofkaan lacag lasiin shaqaynmayo.

Sidee Miisaaniyadda lagu kordhinkaraa.
Sida aan kor kusoo sharaxay miisaaniyaddu waa hadba canshuurta aad canshuurtid GDP-dalka iyo sida aad Canshuurtii aad Canshuurtay musuqmaasuqa uga illaalin lahayd oo aad usoo xarayn lahayd, si aad canshuurta usoo xaraysid waa in aad masuul uga dhigtaa dad xirfad u leh habka canshuur uruurinta, waa in aad Bangiyo casriya ay kuu shaqaynayaan oo ay lacaguhu akoon to akoon ahaadaan si meesha musuqmaasuq looga saaro, waana in aad taqanid meelaha aad canshuuraha kasoo xaraynayso.

Waxaase waxaas kasii muhiimsan waa in aad GDP kordhisid, waayo hadaanad GDP kordhin Canshuur farabadan kuusoo xaroon mayso marka Miisaaniyadii ma kardhayso.

Matalan hadaad tuulo yar oo xoolo kaliya lagu dhaqdo dagantihiin oo Tuuladaas ay sanadkii iibiso 1000 neef oo lo ah oo min 400$ neefkii la iibsho, GDP-ga tuuladaas waa 400 oo kun oo doolar, marka tuuladu haday rabto in ay miisaaniyad sanadeed samaysato miisaaniyadeedu waxay ku xirantahay in ay GDP-geedii ama 400 oo kun ay canshuurto, matalan haday 3% canshuurto waa 0,03*40000$=12000$ calashaan 12 kun oo doolar oo miisaaniyad sanadeeda ayay tuuladaas ku xisaabtami kartaa, waxaa u dheer canshuuraha adeegyada kale sida adeegyada bayacmushtarka iyo guryaha tuulada ee la canshuuro.

Hadii ay tuuladu doonayso in ay Miisaaniyadda kor u qaado, waxay samayn kartaa in ay 12 kii kun 6 kamidda maalgashi kusamayso, iyo in ay tuuladii ganacsatadii ku noolayd u sameeyaan shirkado saamilay ah sida shirkad dharka farsamaysa.

6 kun ee soo hadhana ku bixso mushaarka macalimiinta iyo Booliska iyo Gudoomiyaha iyo istaafkiisa.

Hadii shirkadaas ku kacayso 100000$, tuuladda lacagta soo gashayna ay ahayd 4 boqol oo kun dabcan hadii shirkadda saamilay laga dhigo dadka Tuuladdana loo sameeyo wacyi galin balaaran oo laga dhaadhiciyo waa in GDP-ga tuulada kor looqaado si miisaaniyadii ay u kobocdo, dad aaminana oo aqoonna u leh dharka tolidoodda iyo iibgayntooda maamulka warshadda iyo maamulka dhaqaalaha loo dhiibo waxaan shaki kujirin in laga yaabe warshadaas ay soo saarto 400 oo kun oo kale sanadkii arrinkaasna wuxuu sababayaa in GDP-ga tuuladu labajibaarmo, miisaaniyadiina laabmato iyana, iyadoon wali canshuurta GDP-ga ee 3 da ahaa la kordhin, xitaa haddii ay dadka dawladda hayaa dad cadaaliya yihiin waxay awooddaan in ay canshuurta GDP-ka kor u qaadaan tusaale 15% waa 0.15*800000=120000$ calashaan miisaaniyaddii 12 kun ahayd muddo kooban ayaa 120 ku lagu gaarsiin karaa. Waxaase waxaas oo dhan u sabab ah sida Musuqmaasuqa loola dagaalo, dawlad wanaaggana 100% looga dhiga si ay shacabka tuulada u aaminaan madaxdooda oo canshuurta u dhiibaan.

Dalkuna waa tuuladaas un oo dalkastaa wuxuu ku xiran yahay wax soosaarkiisa, waana sababtaas sababta wadamadda horumaray, dadkooda ayaa arimaha aan kaga soo hadlay ee kore oo dhan fahansan.

Waana sababtaas sababta ay musuq maasuqa isaga illaashaan oo iyagu uma fakaraan shakhsi ee waxay u fakaraan ka dal ahaan waayo waa ay isku xiran yihiin oo haddii 10 $ la musuqmaasuqo maxaa diidaya in 10 million$ la musuq maasuqo, marka waa in musuqmaasuq zero laga dhigo.

Miisaaniyadda Soomaaliland iyo tan Puntland
samaale
Halkaan ka dhagayso wasiirka Maaliyadda Soomaaliland Samaale oo kasheekaynaya kororka Miisaaniyadda Somaliland

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2013/11/miisaaniyadda-somaliland-2014.mp3]
Ama Moobaalkaaga ka dhagayso

Hadaba Akhristow sida Samaale sheegay, Miisaaniyadda Somaliland ee 2010 waxay ahayd 48 million$, hadana 2013 miisaaniaddu waa 125 million$, markaas maadaama aanu wasiirku noo sheegin wax maalgashiya ama koboc la kobciyay GDP-ga maadaama aanu wasiirku noosheegin GDP-ga Soomaaliland, waxaa cad in Canshuurtii un lakordhiyay iyo in layareeyay Musuqmaasuqii.
Doodaas waxaad si fiican u fahmaysaa markaad fahantid xiriirka ka dhexeeya GDP-ga iyo Miisaaniyadda oo aan si waadaxa kor ugu soo sharaxay.

faarax
Halkaan ka dhagayso Miisaaniyadda Puntland 2012 illaa 2013 oo wax lakordhiyo daaye hoos usii dhacday faarax Cali Shire Wasiirka Maaliyadda P_land.
Miisaaniyadda Puntland ee 2012-2013 waa 38,5 million$

Diyaariye
Eng IIbrahim Gablax Finland gablax@yahoo.com
Xasuusin: Waxaa siwaangsan iigu sharaxay xiriirka kadbexeeya GDP iyo Miisaaniyadda Musharax Cabdiraxmaan Gablax, Intaanu Musharax Gablax ii sharaxin inkastoon Iskuulaad farabadana soo dhigtay buugaag badan oo dhaqaalaha laxiriira soo akhriay run ahaantii ma aanan fahasanayn xiriirka labadoodda ka dhaxeeya, marka Mushrax Gablax ayaa arinkaan waqti farabadan galiyay.
Halkaan ka eeg Xogta Gablax

One Response to Maxaad kala socotaa muhiimadda Miisaaniyadda iyo xiriirka ka dhexeeya Miisaaniyadda iyo GDP-ga, sidee Miisaaniyadda kor lowgu qaadi karaa

  1. Pingback: Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 2aad mar labaad) | Puntland Observer