Maxaad kataqaanaa Boqortooyadii Kushitiga (kush Kingdom, Kush impire) Soomaaliduse ma Kushitic baa asalkoodu?

Filed under: Wararka |

Qormadan waxaa ladiyariyay 2007, waxaana waagaas diyaariyay Ibrahim Sh Mohamed Gablax, qofkasta waa u banaantahay in uu daabaco, laakiin waa in uu muujiyaa cidda aasaaskeeda iska leh.

Maxaad kataqaanaa Boqortooyadii Kushitiga (kush Kingdom, Kush impire) Soomaaliduse ma Kushitic baa asalkoodu????.

Bismillah.
Qore Injineer Ibrahim Sh Maxamed Gablax, gablax@yahoo.com – Helsinki/Finland
Qormooyinkaan gaagaaban waxay ka koobanyihiin.

1) Taariikh kooban qabiilooyinka kasoo jeeda Qowmiyadii hore ee reer Kushitiga (kushite peaple)
2) See ku aas aasantay Boqortooyadii Kushitigu
3) Maxay kala yihiin Nubia, Kush, Faraaciinta.
4) Magaalooyinkii Boqortooydii hore ee Kushitaga magaalo madaxyada u ahaan jiray.iyo horumarkii ay sameeyeen
5) Dokumintiyo Video ah oo niman Arkijiyoolijiyda bartay ay sameeyeen.

1) Taariikh kooban qabiilooyinka kasoo jeeda reer Kushitik
Dadka Kushitiga { Kushitic (Cushitic) people } ee waayadii hore kunoolaan jiray waqooyiga bari ee Afrika, waa dadka hada kunool Qaybo kamida, ama gabi ahaan, Wadamada Soomaaliya, Sudan, Ethiopia, Eritrea, iyo Kenya. Xilga hada ah Dadka asalkootdu Kushitiga yahay waxay ku kala firirsanyahiin wadamada kor kuxusan.
Kushitik waa luuqadii ay ay ku hadli jireen dadka Kushitigaa ee deganaan jiray wabiga niil dhankiise waqooyi ee Suudaan mudo hada laga joogo 5000 ilaa 3000 oo sano intii u dhaxaysay iyo kahorba, dhamaan qawmiydaha aan kor kuxusay ayaa markii labaaray luuqadaha ay hada ku hadlaan waxaa la ogaaday inay kasoo farcameen luuqadii hore ee Qowmiyadii Kushitiga ay ku hadlijireen .

Somalia: Dalka soomaaliaya dadka kunool 100% waa Kushitik.
Ethiopia: Dalka Ethiopia waxaa dagan qabiilo badan oo asalkoodu kasoo jeedo Qowmiyadii hore ee Kushitiga sida, Oromada oo 26 Milyan ah, Qewena (Sidama) oo iyana 8 Milyan ah, Somalida oo iyana 5 Milyan ah,Sidamaka, Alaba, Xamabaro,,, Qabiilada kale ee asalkoodu Kushitiga yahay ee Itoobiya kunool waxaa ka mida, Hadiya, Agow, Burji, Maraago, Canfarta iyo qaarkale.

Sudan: Sudan ayaa hada waxaa degan Qabiilada Beja iyo Qaarkale oo aan wali sifiican loo xaqiijin.
halkaan ka akhri taariikhda Qabiilka Beja oo cadaynaysa inay kasoo jeedaan Boqortooyadii Kushitiga.http://orvillejenkins.com/profiles/beja.html

Eritrea: ayaa waxaa degan Qabiilada Saho iyo Afar.
Kenya: Qabiilada asalkoodu Kushitiga yahay ee kunool dalka Kenya ayaa waxaa kamida Rendile, Sakuya, Burena, Gale, Oramo, Somali, Iskudar Qabiilada Kushitiga asalkoodu yahay, ee Kenya degan ayaa waxay degaan 25% dhulka Kenya inkastoy tira ahaan dadka Kenya kayihiin tiro aad u yar boqolkiiba..

2) Boqortooyadii hore ee Kushitiga
kush1

Meroe waa caasimadii 3-xaad ee Kush sidaad masawirka ka aragtaan.300 BC

2) See ku aas aasantay Boqortooyadii Kushitigu (Kush Kingdom)
Boqortooyada Kushitiga ayaa waxaa samaystay Qowmiyadii hore ee Kushitiga (Kushite people) ee daganaan jirtay darfaha wabiga Niil ee waqooyiga Suudaan.Sidoo kale Boqortooyadii 25-tanaad ee taxanihii Boqortooyadii faraaciinta ee Masar ayaa waxaa laxaqiijiyay inay ahaayeen isla Boqortooyadii Kushitiga oo markaas Boqortooyadii Masar inta xukunkii ku xumaaday ay Boqorkii xiligaas ee Kushka oo la oranjiray Piye uu markaas Masar iyo Suudaan labadaba xukumayay oo uu ka xukumayay Caasimadii Napata ee kutaalay Suudaan oo hada ay daganyihiin Nupians. Waa xili ku aadanaa 700 oo sano dhalashadii Nabi Ciisse kahor (Calayhi Salaam).

Khubarada kutakhakhustay Cilmiga Arkijoolijiyada, ayaa baaritaano ay kasameeyeen magaaladii Caasimada u ahaan jirtay Boqortooyadii hore ee Kushitiga Kerma, mudo hada laga joogo 5000 oo sano ku ogaaday waxyaalihii ay Qalcadaha Boqortooyada ka heleen in ay Boqortooyadaas ahaayeen Kushitik. Baaritaanadaas waxaa lagu ogaaday in ay Boqortooyadaas Kushitiga ay halkaas ka bilaabatay ilbaxnimadoodu.
Sidoo kale isla xiligaas ayaa waxaa jirtay in Qawmiyadihii deganaa aagagaas oo dhan ay qowmiyad walbaa samaysan jirtay Boqortooyo u ilaalisa danahooda isla markaana waxaa iyana feer daganaa Boqortooyadii Faraaciinta oo iyana ahayd Boqortooyadii Masar ee ay Faraaciinta madmadow ay Boqorada kasoo ahaayen mudo 3000 oo sano ah. Hadaba waxaa aad loo sheegaa in uu jiray xiriir aad u heersareeya oo ka dhexeeyay labada Boqortooyo ee Masar iyo Kush, waxaana lasheegaa xataa in ay isku ilbaxnino ahaayeen oo labada boqortooyaba ay ka sinaayeen in marka Boqorku dhinto loo dhiso Qalcad Sadexgeesa (Pyramid) isla markaana Boqorka lala aaso hantidiisa iyo qaraabadiisa, iyo cabiidyadiisa, wax noocaasa. Waxay kaloo aaminsanaayeen in marka uu Boqoku dhinto ay nololkale u bilaabanayso waana sababtaas sababta macluumaad badan loola aasi jiray boqorka, sanamyo u eg Boqrkaas oo dahab ama silver ama dhoobo ka samaysan, sidaa awgeed ayaa waxaa khubarada arkijooliyada baarta waxaa u fududaatay in ay helaan qaabkii ay isku dhaleen, qabkay xukunka ukala dhaxlijireen, mudada uu reerka xiligaas xukunka boqortooyada haya uu u bilowday xukunku iyo xliga uu ka dhamaaday (Dynasty period). Dhanka Masar ayaa Boqrtooyooyinkii faraaciinta lagu qiyaasaa ilaa 32 boqrtooyo oo ay dhacdo in Xataa hal Famil-Boqortooyo ay 500 oo sano xukunka haysato, dhanka Kushkana isna waa isku qiyaas. Waxaa sidoo kale Jiri jiray Boqortooyadii Samarianka ee Israel (930s BC until about the 720s BC), tii Baabilooniyiinta (Ciraaqdii hore) 1728 – 1686 BC, tii Assyria (Ciraaqdii hore) (911 – 612 BC), Tii Giriiga, Tii Turkida oo dhamaantood is dagaali jiray. waxaana la aaminsanyahay in ilaa 300 oo sano kahor dhalashdii nabi ciise la jabiyay Boqortooyadii Madmadoobayd ee Faraaciintii Masar xukumaysay, iyo tii Kushitigaba.

3)  Maxay kala yihiin Nubia, Kush, Faraaciinta.

Nubia waa magac dhul iyo Qowmiyad oo kuyaal Waqooyiga Suudaan iyo Koonfurta Masar waxaana mara Wabiga Niil waana dadka hada looyaqaan Nuubiyiinta, waana dadka hada dega degaanadii ay xiligii hore boqortooyada Kush degaananjirtay Sida Caasimadii koobaad ee Karma,Napata, Meroe.
Kush waa Gobalka hada Suudaankuyaal ee Nubiyuuntu degaan ayaa waagaas hore la oranjiray Kush waxaana waagaas deganaan jiray Qowmiyadii Kushitiga iyo Boqortooyadoodii, waxaana mara wabiga Niil waana Suudaan dhankeeda waqooyi ilaa Masar Qaybteeda koonfureed dhulka ay hada daganyihiin Aswaaniyiintu.

Faraaciinta waa magacii loo yiqiinay Boqortooyooyinkii madoobaa ee Masar soo xukumayay mudada sadexda kun ee sano wixii ka horeeyay 300 oo sano dhalashadii Nabi ciise. Waxaa lagu qiyaasaa ilaa 30 Farac isir boqortooyo (30 Dynasty), Matalan Dynasty-dii 25-tanaad waa tii ay xukumayeen Boqortooyadi Kushitiga waxayna kala ahaayeen sidatan ( Alara, Kashta, Piye, Shebaka, Shebitku,Taharqaç Tantamani) Boqortooyadaas dabcan xukunka qolokalaa kala wareegtay oo iyana in mudo ah saas isku dhaxlayay markaas erayga Dynasty waa hal reer oo xukunkii inta qabsaday markaas mudo isa sii dhaxlay sida Reer Sacuud oo hada Sacuudiga haysta waa hal farac boqortooyo.

Ogow dhaqanka Faraaciintii Masar ay lahaayeen ee ahaa in Boqorka hantidiisa iyo sanamyo isaga iyo Familkiisa loo ekaysiiyay lala aaso isla markaana Qalcad loo sameeyo oo hoos u qodan oo isla markaasna hoos inta sidii gurigii loo dhiso darbiga farshaxan iyo taariikho lagu qoroyo dhaqanka noocaasa waxa isticmaali jiray dhamaan inta badan qabiiladii Masar xiligaas daganaa, Laakiin Kushitiga waxaa lagu soo saarayaa waxay ahaayeen dad maariina isla markaana san yar oo dhuuban leh sida Soomaalidoo kale,

4)  Magaalooyinkii ay Boqortooydii Kushitaga magaalo madaxyada u ahaan jiray.iyo horumarkii ay sameeyeen.
Kerma ayaa ahay Caasumadii u horeysay ee Boqortooyadii Kush-ka, sida uu Arkiyooligiste Dr Vivian Davies (from British Museum) uu sheegayo Karma waxaa la aas aasay mudo hada 4500 oo sano laga joogo, waxayna noqotay meesha ay ilbaxnimada maanta aduunku joogo ay inteeda badan kasoo bilaabatay sida Frasamaynta Birta, soosaarida Dahabka, Qaab maamul dawladeed aad u heersareeya, Qaab dhismeed Guryaha iyo farshaxanimada dhismaha, oo aad u heersareeyay oo Qalcad hada Karma kutaal oo dheerarkeedu uu labaatan mitir yahay oo xiligaas la dhisay ayaa ah waxyaalaha ugu mucjisada badan, waayo hadii 20 mitir loo qaybsho 3 mitir waxaad helaysaa in uu dhererkas u qalmo guri 7-ba dabakha, waxay kaloo Kerma caan ku ahayd Abuurida Dalaga beeraha, iyo waliba kaydinta dalaga beeraha, waxay kaloo aad ay berigaas u farsamayn jireen boqortooyadii kushitigu waxyaalo badan oo Kimikal ah sida Cuudka, waxay samayn jireen Doomaha.
Napata iyo Meroe ayaa ahaa Caasimadihii danbe ee ay samaysteen Boqortooyadii Kushitiga.

Halkaan kadaawo sawiro muujinaya bal qaabkay barigaas guryaha u dhisan jireen Boqortooyadii Kushitigu

5) Dokamintiyo Video ah oo kahadlaya Boqortooyadii Kushitiga oo niman Arkijiyoolijiyda bartay ay sameeyeen halkaan ka daawo

George Reisner wuxuu ahaa Archaeologists ninkii ugu horeeyay 1913 helay qalcadihii ay ku aasnaayeen macluumadkii Boqortiiyadii Kushitigga, halkaan waxaad ka eegtaa buug uu qoray George Andrew Reisner oo ka hadlaya Kerma and the Kingdom of Kush, 2500-1500 B.C.

Halkaana ka daawo dokumintigii Dr Vivian Davies.
Kingdom of Kush ruled as pharaohs of the Twenty-fifth dynasty of Egypt

In 2002, Dr Vivian Davies of the British Museum–> waa ka xumahay Filimkii asalka ahaa ee looga sheekaynayay Kush kingdom waa laga saaray Youtubeka
Dokumiinti kale oo uu Arkiyoolaji Austreliaan ah sameeyay halkaan ka daawo
Nubia: Black Pharaohs of Africa 1#3

Nubia: Black Pharaohs of Africa 2#3

Nubia: Black Pharaohs of Africa 3#3

Waxaa Diyaarshay
Eng– Ibraahim Sh Maxamed Gablax Helsinki/Finland
gablax@yahoo.com

 

5 Responses to Maxaad kataqaanaa Boqortooyadii Kushitiga (kush Kingdom, Kush impire) Soomaaliduse ma Kushitic baa asalkoodu?

  1. Pingback: Barnaamij gaara Soomaali Kushitogow Barro Qariiradda Dalkaaga iyo Nimcada Illaahay kusiiyay | Puntland Observer

  2. Pingback: Daawo Soomaalida Oo DNA Ahaan La Cadeeyay In Ay Isku Qabiil Yihiin (Qormo+Video) | Puntland Observer