Maxamed Cali Nuur Ameriko: ” Ma jiro wax war aan ka hayno darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudkeena”

Filed under: Wararka |

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Americo ayaa sheegay in aysan jirin wax war-gelin ah oo ay dowladda Kenya u soo sheegtay Soomaaliya kaasi oo ku aadan in ay darbi wayn ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Ameriko oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Kenya uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Soomaaliya sida in la is-dhaafso xogaha muhiimka ah.

“Innagu ma jiraan wax wargelin ah oo aynu ka helnay dowladda Kenya oo jidaar wayn ay uga dhisayso xadka Soomaaliya ay la wadaagto arimahaasi waxaan ka maqalnay oo kaliya warbaahinta”sidaasi waxaa yiri safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Americo. Wasiirka Gaashandhiga dalka Kenya ayaa waqti hore shaaca ka qaaday in todobaadka nagu soo aadan ay bilaabaya dhismaha darbigaasi si looga hortago hanjabaada Al-shabaab.

Kenya waxaa ay sheegtay in mar dhow ay bilaabi doonto dhismaha darbi dhan 200 mitir oo laga dhsiayo xadka Baladxaawo si ay ammaanka u xaqijiyaan.

Dadka gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegay in ay aad usoo dhaweynayaan talabadan ay qaaday dowladda Kenya.