Maxay Beesha Caalamka 4.5 u Xiisaynayaan

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Sida uu Axmed Madoobe sheegay Beesha Caalamku waa Beesha 6aad ee hadda kusoo biirtay 5tii beelood ee Soomaalida ee hore.
Hadaba dad badan baa iswaydiinaya sababta ay Beesha Caalamka sida aadkaa ugu taageersantahay in doorashada 4.5 lagu galo.

Haddii 4.5 wax lagu qaybsado waxaa kuraas badan oo ay xaq u lahaayeen dhuminayo beelaha ugu ballaaran Soomaalida isla markaana degan deegaanada ugu baaxadda wayn iyo Gobalada iyo Degmooyinka dalka ugu baaxadda wayn.

Badanaa ruuxa dalka u damqanaya waa ruuxa deegaanka ballaaran kasoo jeeda, halka beelaha laga tirada badanyahay ee dulmanaan jiray aynan qadarin badan u hayn dalka isla markaana ayba shilimaad yar siisan karaan.

Marka Beesha Caalamku waxay rabaan in ay Baarlamaanka gaystaan Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha aan deegaanada badan dalka ku lahayn isla markaana aan damqasho badan u hayn dalkaan iyo in la difaaco qadiyadiisa maadaama aynan beelahaasi dalkaan nacfi balaaran awalba ku haysan, si markaan Golahaas Sharci dajinta waxwalba looga marsado waa in ay u bataan Golahaas beelaha laga tirada badan yahay.

Nidaamka 4.5 waa nidaam aad cadaalad uga fog, waxaana uu leeyahay degmo ay matalan wada degan yihiin laba beelood oo beeli ay 90% degantahay halka beesha kale ay 10%, ayaa la leeyahay matalan haddii ay xildhibaanadu ahaayeen 4 xildhbaan 2 iyo 2 u kala qaata maadaama aad laba beelood tihiin.

Dhanka kalena waxaa la leeyahay Digil iyo Mirifle iyo Daarood hala siiyo Xildhibaano isle eg oo min 60 xildhibaana, taasi oo xaaraana oo aan meelna cadaalad kasoo galin waayo Xildhibaan waa nin deegaan matala, markaas maadaama aynan digil iyo Mirifle iyo Daarood isle’ekayn ma waxaa la leeyahay deegaanada Daaroodka waxaa matala Xildhibaanada Digil iyo Mirifle.

Haddii marka 15kii sano ee lasoo dhaafay Xildhibaanadu ay Soomaalida oo dhan muujin lahaayeen in ay matalaan markaas dhib ma lahaateen laakiin Xildhibaanadii 4.5 lagu doortay waxay noqdeen musiibo hor taagan geedi socodkii lagu gaarilahaa Qaran Soomaaliyeed, 15 sano waa muddo dheer oo beelaha dulman ay soo dulqaadanayeen.

Reer tiradood waxaa lagu ogaadaa deegaanka ay degaan baaxadiisa, waayo Soomaalidu waa xoolo dhaqato, oo reer walba waxay xoolohoodu daaqaan inta ay tiradoodu le egtahay.

Waxaana lagu garan karaa inta aan Soomaalida la tira koobin reerwalba deegaankooda baaxadiisa, marka bal maapkaan hoose waxaad is barbar dhigtaa Digil iyo Mirifle iyo Daarood deegaanada ay Soomaaliya ka degaan Baaxadooda, marka haddii layiraahdo Digil iyo Mirifle 60 xildhibaan ha la siiyo Daaroodna 60 ha la siiyo ninka arrinkaas ku taliyay ma daacad buu ka shaqeeyay, haddiise lasoo tijjaabiyay oo ay socon wayday oo hadda la yiri war ninwalbaa deegaanka uu degan yahay ha matalo, markaas ma saxbaa mase waa qalad.

Somali tribes

Isku soo duub nin xog ogaala ayaa ii sheegay in hay’daha sirdoonka ee Beesha Caalamka nimanka u shaqeeya 95% ay kasoo jeedaan beelaha Digil iyo Mirifle iyo beesha Shanaad, arrinkaas oo la is waydiiyay waxa ay beesha caalamka sirdoonkeedu u doorbideen beelaha laga tirada badanyahay.

Marka sababta ay Beesha Caalamku 4.5 ugu taageerayso oo isla maldahayso waxwayn baa ku qarsoon

3 Responses to Maxay Beesha Caalamka 4.5 u Xiisaynayaan

  1. Pingback: Maxay Beesha Caalamka 4.5 u Xiisaynayaan (Marlabaad Akhri) | Puntland Observer