Maxay Indhacade Reer Gaalkacyo Waaya Arragnimadiisa Dagaalka Sokeeye Uga Khibrad Qaadan Waayeen (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

indhacade

Indhacade waa ninka ugu khabiirsan marka laga hadlayo dagaal sokeeye ama dagaal ooge.
Wuxuu muddo dheer xukumayay inta u dhaxaysa labada wabi iyo magaalada Muqdisho isagoo taageeero ka helaya maleeshiyaad ay isku beel hoose yihiin.

Aakhirkii Indhacade xaggee ku danbeeyay.
Maanta Indhacade maleeshiyaadkiisu waxay kusoo gurya noqdeen Guriceel iyo deegaankii ay asal ahaan kasoo jeedeen mana jiro hal taako dhul oo beel kale leedahay oo ay beesha indhacade ku durkeen marka laga reebo deegoono farabadan oo baadiyaha beesha indhace oo ay beelihii ay xigtada ahaayeen kusoo durkeen intii ay beesha Indhace ku maqnayd Muqdisho iyo Koonfur, iyo waliba deegaanada Beesha Indhace oo ay inta badan xoog ku haystaan ururka Alshabaab iyo waliba ciidamada Ethiopia ee Amisom iyo kuwa Jabuuti.

Warar hoose oo si hoose P/O usoo gaaray ayaa waxaa la sheegayaa in siyaasiin ka soo jeeda beesha Habargidir ay Indhace usoo jeediyeen in uu Indhace hogaamiyo dagaal ay beesha Habar gidir ku qabsanayso inta u dhacaysa Gaalkacyo iyo Burtinle.

Sida warar hoose ay nasoo gaarayaan Indhacade ayaa arrinkaas aad uga horyimid isagoo ka faa-iidaysanaya waaya arragnimadii uu kasoo qaatay dagaal lagu qaado deegaan ay beel Soomaaliyeed deganyihiin oo xoog lagu maamulo.

Indhacade ayaa siyaasiyiinta beesha habargidir uga xogwaramay taariikhdii uu kasoo dhaxlay maleeshiya beeshaada ah oo aad dhawr baabuur oo tigniko ku rakibantahay oo gamco shisheeye ay kharashaadka dhiibaan oo lagu weeraro deegaan ay beel kale oo Soomaaliyaad degaan oo la damco in xoog lagu qabsado.

Inhacade ayaa u sheegay in aynan Soomaali is qabsan karin qolana aynan qolo kale xoog ku qabsan karin, isla markaasna uu riyooday nin kasta oo waqti isaga dhumiya in uu deegaan reer leeyihiin xoog ama xeelad ku maamulo.

Wuxuuna ugu jawaabay siyaasiyiintii Damuljadiidka beesha habar gidir, war soomaali wax ay ina adeer ku dhaanto malaha ee nabadda iyo walaaltinimada ka shaqeeya.

Dhanka kale indhacade ayaa saxaafadda eraya aan looga baran ka sheegay isagoo si dadban Soomaali oo dhan ula hadlaya ugana xog waramaya ninka Soomaaligaa ina adeer wuxuu ku dhaamo la waa.

Waxaana wanaagsan labada dhinac ee dhalinyarada Galmudug iyo puntland xabadda isugu dhiibaya in ay xabaddaas ka waantoobaan miiska wada hadalka ay arrimahooda ku dhamaystaan, wiilka galmudg waa Puntland wiilka Puntland waa Galmudug.

Haddii ay hadda Puntland illaa Hobyo qabsato muddo intee le’eg bay xoog ku haysan karaan??

Sidoo kale haday Galmudug Illaaa Burtinle qabsadaan muddo intee le’eg bay sii haysan karaan, horaana loosoo tijaabshay labadaba oo waatuu Caydiid qabsaday gaalkacyo markii uu hubkii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya oo dhan la wareegay xili aynan reer Puntland wax huba haysan, waana la ogaa in markii danbe inta Gaalkacyo laga saaray illaa Hobyo meel u dahw la gaarsiiyay maleeshiyaadkii caydiid.

Aakhirkiina waatii caqligu shaqeeyay oo xalka loo arkay in reerkasta deegaankiisa dego, oo reerkasta uu deegaankiisa talidiisa u madaxbanaanaado.

Taasi ayaa sababtay in muddo ahba ay Gaalkacyo nabad ahaato, waxayna ahayd in caqligaas lasii horumariyo, ee may ahayn in 20 sano kadib dib lowgu noqdo caqligii xayawaanka iyo colaadda, caqliga uu Indhacade gartay 27 sano kadib.

One Response to Maxay Indhacade Reer Gaalkacyo Waaya Arragnimadiisa Dagaalka Sokeeye Uga Khibrad Qaadan Waayeen (Qormo Gaaban)

  1. Pingback: Maxay Indhacade Reer Gaalkacyo Waaya Arragnimadiisa Dagaalka Sokeeye Uga Khibrad Qaadan Waayeen (Qormo Gaaban) - Daily Somalia Report