Maxay iska shabahaan kacdoonkii Jaamac Cali Jaamac iyo Cabdiqaasim iyo kacdoonka Gallan iyo Xasan Sheekh

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Kacdoonkii ay Puntland ka sameeyeen Taageerayaashii Jaamac Cali Jaamac ayaa wuxuu kusoo aaday xilli ay xurguf dagaal ka dhaxaysay Madaxwaynihii Carta lagu soo doortay Cabdiqaasim iyo Madaxwaynaha Puntland Cabdullaahi Yusuf.

Jaamac Cali Jaamac oo ay bahwadaag siyaasadeed ahaayeen Cabdiqaasin Salaad oo uu markaas dagaal culus ka dhexeeyay Cabdullaahi Yusuf ayaa waxaa jaamac u suuragashay in uu si fudud u isticmaala Beesha Cismaan Maxamuud ee Jaamac kasoo jeedo, waxaana durba uu jaamac ka dhaadhiciyay in Beeshaas ay in muddo ahba ku dulmanaayeen jagooyinka muhiimkaa ee siyaasadda Puntland.

Dhanka kalena Kooxda Xasan Culusow oo ka khatarsan waxbadan Cabdiqaasin kana sirdoon culus ayaa si fiican in muddo ahba uga shaqaynay sidii ay xogta hoose ee Puntland u ogaan lahaayeen oo galaangal badan Puntland kuleh.

Waxayna soo baarreen qaladaadka iyo eexda uu sameeyay Cabduwali Gaas oo awal reer Puntland ugu sheekeeyay in uu yahay Prof jaamacadeed oo isbadal samaynkara.

Gaas ayaan Puntland haba yaraatee wax nidaama ka hirgalin wuxuuna Puntland ka dhigtay Jaaliyad shaqsi leeyahay oo isaga un gacanta ugu jirta, marka haddii aanu meesha nidaam ka jirin oo nidaamku uu yahay wax Shirkad Qof leeyahay u eg, hadde ninka Shirkadda iska leh wuxuu ku khasbanyahay in uu xigtadiisa iyo taageerayaashiisa uu Jagooyinka muhiikaa u dhiibto.

Cabdiwali Gaas ayaa diiday in uu talo keen ka dhigto dadka arragtida fog, iyo in uu sameeyo nidaam maamul wanaag iyo wadi tashi ku dhisan oo marka uu jagadaan ka tago lago dhaxlo dawladnimo waarta, ee aynan noqon wax shandad qof ku jira.
Xiligaan ayaa waxaa jira dagaal culus oo u dhexeeya Xasan Culusow iyo Madaxwayne Cabdiwali Gaas, waxaana cad in Xasan Culusow uu Cabdisamad Gallan maalgalinayo.

Sirdoonka Damjadiid ayaa si fiican uga faa iidaystay Qaladaadkii iyo Maamul Xumadii Gaas waxa ayna maal galliyeen Qolooyin Jago doon ahaa laakiin ay kaga faa-iidaysteen Sirdoonka damjadiid maamul xumada Gaas iyo Qaladaadkiisa.

Si marka arrinkaas looga gudbo oo looga adkaado qolooyinka Damul Jadiid waa in ama uu Gaas garawsado Qaladaadkiisa oo uu dadka uu talakkeenka ka dhiganayo ay noqdaan dadka asalkaa oo dalkaan u naxaya.

Ama ay Isimada Puntland shir deg dega ka yeeshaan arrinkaas oo si guud u xaliyaan qaladaadka dalka ka jira si dalkaan aan lowgu daawan dhawr shakhsi

One Response to Maxay iska shabahaan kacdoonkii Jaamac Cali Jaamac iyo Cabdiqaasim iyo kacdoonka Gallan iyo Xasan Sheekh