Maxay waddamada horumarka gaaray ku horumareen? Qaybtii koobaad (Akhri oo ka aqoon kororso)

horumar
Waxaan si kooban usoo koobaynaa waxyaalaha ugu muhiimsan ee wadamadda horumarka gaaray ay ku horumareen anigoo qaybtaan koobaad kusoo qaadanayna 5 Qodob oo aan isleenahay waa muhim

1) Good governence: Dawlad wanaag, calashaan waxaa wadamadda horumaray ay haystaan nidaam cadaalad kusalaysan, oo shacabku iska leeyahay, oo ruuxa Madaxwaynahaa iyo kuwa xukuumadda kujira ay shacabkoodu ka adagyihiin, oo mushaar la isla ogyahay lasiiyo, hadii musuqmaasuq iyo talo xumo lagu helana iyadoo dastuurka laraacayo xukunka laga fariisinayo.
Halkaan ka eeg Musharax Gablax oo aad uga hadlay Dawlad wanaaga

2) Famaly planning. Waxwalbaa hoos bay kasoo bilowdaan, marka reerkasta waxay awoodda saaraan in ay caruurtooda soo dhisaan, iyagoo ku jaangooya dakhliga reerka, si ay Caruurtaas dhankasta uga dhisaan inta ay yaryihiin oo ay nolol fiican ugu diyaariyaan, marka sida wadamadda soo koroya caruurta ma dayacaan

3) cheap electricity:Koronto raqiisa: aduunka aan maanta kunoolnahay waxa ugu muhiimsan ee dal lagu horumariyo waa in dalku uu leeyahay koronto kufilan oo raqiisa, hadii korontada wadanka ay ka qaalisantahay 0.08 cent/kwh ama 8 cent/kwh waxaa aan suuroobayn in wadanka wax warshado ah laga hirgaliyo, waayo warshadaadu waxay soo saaraysaa alaab kharash badan kaaga kubaxay, Tusaale hadii warshadu saacadii isticmaasho 500 oo kiilo waad(KW) hadii sidda soomaaliya uu halkii Kiilo waad yahay 1kw=$1 markaas halkii saac warshadda waxaa kubaxaya 500$, markaas 10 kii saacna waxaa kubaxaya kharash dhan 5000$, waayo 10*500$ waa 5000$, halka dalka Iiraan uu halkii kw kajoogo 3 cent markaas 500kw=500*0.03=15$ calashaan 10 kii saac waxaa kubaxaya 15$*10= 150$, markaas halka warshadii Soomaaliya kashaqaynaysay ay 10kii saac kaaga baxday kharash koronto oo gaaraya 5000$ ay dalka iiraan kaga baxayso warshadii saacadii isticmaalysay 500kw kharash dhan 150$ oo kaliya, marka sidee ula tartamaysaa waxsoosaarkii warshadda Iiraan, oo aan saas uga fogayn Somaaliya.
Dhamaan wadamadda maanta horumarka gaaray waxay haystaan koronto raqiisa, halkaan ka eeg wadamadda Europe qiimaha ay kusiiyaan korontadda warshadahooda inkastoo ay dawladu maalgaliso.
Country € per kWh Country € per kWh
Austria 0.11845 Latvia 0.09716
Belgium 0.09899 Lithuania 0.10696
Bulgaria 0.06326 Luxembourg 0.07482
Cyprus 0.16953 Malta 0.16313
CzechRep 0.09993 Netherlands 0.09138
Denmark 0.09774 Poland 0.08768
Estonia 0.07686 Portugal 0.10086
Finland 0.07443 Romania 0.07348
France 0.07768 Slovakia 0.12163
Germany 0.11417 Slovenia 0.08673
Greece 0.08994 Spain 0.09927
Hungary 0.09593 Sweden 0.07764
Ireland 0.09618 United Kingdom 0.09895
Italy 0.14438

4) Good Banking System: Bangiyo Nidaam wanaagsan ku shaqaynaya.
Aduunka Casrigaa ee aan kunoolnahay waxaa lagu kala wadaa qaab casriyaysan oo khiyaanaysan oo dhamaantood ay aakhirka waxwalbaa bangiyadda hoos tagayaan.

Bangiyada ayaa ah meesha ugu muhiimsan ee horumarka wadanka lagu kala socodsiiyo, waxayna isticmaalaan khiyaanooyin farabadan sidda matalan hadii 1000 shaqaaale oo shaqaysa ay Bangi B lacag dhigtaan Bilkasta oo qofkiiba ay usoo dhacdo 2000$ bishii, 1000 kaas qof bangiga waxay dhiganayaan bilkasta 2 million$ oo doolar, labadaas Million waxaa Mulkiilaha Bangiga uu ogyahay in aynan 1000-kaas qof lacagtaas Bangiga halmar kala baxayn, marka lacagtii Bangigu waa ka faa iidaysanayaa oo wuxuu kusamaynayaa maalgashi, oo matalan 2-da million, ayaa 1.5 million kamidda laga fa-iidaysan karaa oo bangigu uu warshad yar ku maalgalin karaa, dabadeedna dad mushaar kasiinayaa oo hadana Mushaarkaas isla bangigii kusoo noqonayaa, adigu taasi waa tusaalaha ugu yar ee Bilkasta uu Bangigu 1000 kii qofba uga faa-iidaysankaro maxaad moodaa hal million, marka aduunka aan kujirno hadaanad Bangi fadhiya lahayn oo lajaanqaadikara qaabka bangiyadda aduunku u shaqeeyaan, waxaad ka dhacaysaa waxa aduunka kasocda, waxaa intaa u dheer Bangiyadda iyo wadamadda horumaray oo iska daabacda lacagta markay rabaan iyagoo kujaangoynaya Xisaabo looga ilaalinayo in lacagtii qiimaheedu hoos u dhaco ama sicir barar uu ku dhaco.
Halkaan ka daawo 5 qaybood oo kusaabsan qaabka musuqmaasuqaa ee bangiyadda aduunka ay maanta u shaqeeyaan.

5) Cilmi baaris: Talaabo kasta oo laqaadayo waa in ay kasoo baxday Cilbaaris sharciya oo ugu yaraan dad khubara ah ay ugu yaraan 6 bilood soo baarayeen, waxkasta ma ahan wax uu madaxwayne isaga soo boodayo ee marka ay hay-adda Cilma baaristu soo saarto qaabka ugu haboon ee arinka loo hirgalinkaro ayay Madaxdu saxaafadda laqaynsadaan si loo sharciyeeyo, waana in qaabka loomaray uu kusalaysnaado (Transparence=”wax cad oo aan habayaraatee aan qolo ladhuuman), (Consensus: calshan go-aan loo wada dhanyahay), (Consequence=”cawaaqibxumo” Maxay waxaan keeni karaan mustaqbalka muxuu dhali karaan waxaan hadaan hadda samayno mudo dher kadib):
3 daas eray ee kore iyo qaarkaloo badan ayaa waxwalba lagu saleeyaa, matalan shirkii Muqdisho lagu qabtay wiigii dhawayn 3 daas eray meelna loogama salayn waayo
a) Transparence: Shirku Transparence ma ahayn oo wax dadkoo dhan loosoo bandhigay ma ahayn ee hoos bay qolo ka aabaushay maalmihii laqabanayay un baa laga warhelay.
b) Consensus: shirku ma ahayn shir Soomaali u dhamayd ka qaybgalkiisii iyo ku casumaadiisii toona waxaa shirka lowgu yeeray koox ay qaraabo yihiin Madaxwaynaha iyo dadka deegaanka Muqdisho, iyadoo lowgu yeeray shirka aaya katalinta qaranka Soomaaliyeed.
c)Consequence: lagama fakarin hadaan shirka ugu yeerno shirka aaya katalinta qaranka soomaaliyeed isla markaasna ugu yeerno qaraabadda madaxwaynaha iyo dad degan xaafadaha Muqdisho oo hal beela, muxuu cawaaqib xumo keeni karaa, muxuu kabadali karaa kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed dawladda u hayeen, runtiina shirkaas aad iyo aad buu hoos ugu dhigay Sumcada Madaxda Dawladda, marka eraygaas mughiimkaa ee Consequence meelna loogama salayn markii shirka laqaban qaabinayay.

Diyaariye
Ibraahim Sh Mohamed Gablax