Michael Keating Oo la Kulmay Jaaliyadda Soomaalida Ee Finland Iyo Dooddii Dhexmartay(Haddaad Diidaan Caawimaadda Qaramada Midoobay Meelo Kale Ayaan gaynaynaa)

Filed under: Important News,Wararka |

Michael Keating Helsink Finland Somali
Xalay magaalada Helsinki waxaa jaalidda Soomaalida kula Kulmay wakiilka Qaramadamidoobay Soomaaliya u fadhiya Michael Keating.

-Michael keating ayaa dhiibay warbixin kooban xaaladda Soomaaliya gaar ahaan doorka ay qaramada midoobay soo maaliya u qaabilsantahay, wuxuuna sheegay in qaramada midoobay hawlo badan oo muhiima ay ka qabtaan Soomaaliya.
-Wuxuu sheegay in ay hadda Soomaaliya gargaar degdega u baahanyihiin illaa 6 million oo Soomaaliya oo haddii aan cunto lala gaarrin hallis u ah in ay geeriyoodaan.
-Wuxuu sheegay in ilma kasta oo Soomaaliya ku dhashay ay qaramada midoobay bixi kharashaadka lagu talaalo, sidoo kale neef kasta oo Soomaaliya ku dhasha ay qaramada midoobay bixiyaan kharashaadka lagu talaalo.
-Wuxuu kaloo sheegay in hadda ciidamada Amisom oo gaaraya illaa 20 kun iyo 10 kun oo ciidamada Soomaaliya ay kharashaadkooda dhiibaan qaramada midoobay.
-Michael keating wuxuu kaloo sheegay in ay qaramada midoobay bixiyaan kharashaadka xildhibaanada baarlamaanada DFS, iyo waliba kharashaadka ku taca luqa doorashooyinka.
-Michael keating ayaa sidoo kale sheegay in uu isagu uu yahay shaqaale u shaqeeya Qaramada midoobay, iyo in dalladda qaramadamidoobay aynan wax kale ahayn ee ay tahay dallad ay dalalka caalamka oo dhan ku midaysan yihiin, oo ay kharashaadkeedu yahay lacaga canshuuraha ee laga soo uruurshay shacabka ku nool dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay, tusaale Soomaalidiina halkaan fadhiya Helsinki canshuurta la idinka qaado, ayaa kamida lacagta lagu socodsiiyo hawlaha qaramada midoobay.

-Michael keating ayaa sheegay in ay Soomaaliya u baahantahay hay’addo dawladeed oo xoogleh, is aaminaad shacab iyo taabagallin dastuur si cad shaqooyinka dawlad gobaleedyada iyo dawladda dhexe lowgu kala qeexay.

-Michael Keating ayaa yiri Hadda waxaa soomaalida wareerriyay qabiil, ninka Booliska lama eegayo darajadiisa ee waxaa la leeyahay waa qabiilkee, oo hadana qabiilkee buu kasii yahay, illaa meel hoose la geeyo, markaas ayaa lagu shaabadaynayaa waa nin qabiil hebela, sidaas darteed waxaa kabaxaya meesha darajadii uu watay.
-Wuxuu kaloo sheegay in aynan ganacsatu dhiibin wax canshuura, marka la yiraahdo maad canshuurta dhiibtaan waxay leeyihiin yaan ku aaminnaa, oo iyana waxaa ka baxay meesha in dawladda waxba lagu aamino.

Markii ay warbixintii dhammaatay ayaa michael Keating la waydiiyay su’aalo badan, waxaase ugu adkaa su’aal ahayd, Qaramada midoobay daacad kama ahan in Soomaaliya xal loo helo, haddiise ay qaramada midoobay xal raadinayaan Maxay ciidanka xoogga usiin waayeen malaayiinta ay qaramada midoobay siiyaan Amisom.

-Michael keating ayaa aad uga carooday su’aashaas, wuxuuna ku jawaabay
-Horta waxaan idiin sheegayaa anigu qaramada midoobay mushaar uma doonan ee waxaa daacad iga ah in Soomaaliya xal loo hello, hadda Soomaaliya waxay qaramada midoobay ka heshaa lacag aad uga badan dalalka Soomaaliya la midkaa ama kama sii daran sida Yemen, Libya, Syria.
Haddii aad doonaysaan in aan joojinno lacagta aan Soomaaliya ku taageerno waa idinka aqbalaynaa codsigiina oo lacagtaas waxaan u wareejinaynaa dalalka u baahan.
Hadda Maraykanku baryahaan shacabkoodu waxay leeyihiin maxaan ugu bixinaynaa kharashaadkaas faraha badan Soomaaliya, oo intaas inngaa ka dhaadhicina.
Aniga haddaan Soomaaliya la iiga baahnayn meelo kale oo aad uga baahi badan ayaan aadayaa ee ii sheega.
Dooda ah Ethiopia iyo Kenya marabaan Soomaaliya in ay xasisho, waa ku tiri kuteen waana ay rabaan.
-Soomaaliyay idinkaa is dagaalay idinkaana xasilinkara dalkiina, ee umadaha kale ee aad eedaynayasaan eedda ka daaya.

Puntlandobserver Desk in Finland