Midawga Yurub oo ka fiirsanaya taageerada ay u fidiyaan hay’adaha dawladda federaalka ah, islamarkaana ku baaqi doono shir caalami ah oo degdeg ah oo la xidhiidha arrimaha Soomaaliya .

Filed under: Important News,Wararka |

Flag EU with flags of countries - members of European Union

Flag EU with flags of countries – members of European Union


MUQDISHO — Midawga Yurub ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay is mari waaga la xidhiidha hanaanka doorashada Soomaaliya ee sanadkan 2016-ka.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Midawga Yurub uu maalmihii ugu dambeeyay si dhow ula shaqaynayay madaxda dawladda federaalka ah iyo madasha wadatashiga iyo guddiga uu baarlamaanku u xil saaray dib u eegista hanaankii doorashada ee ka soo baxay madasha wadatashiga qaran.

Midawga Yurub ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin in arrintan heshiis laga gaari waayay intii aanay iman wakiilada dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanka ee tagay Muqdisho maalintii shalay.

Warsaxaafadeedka ayaa tilmaamay in la khasaariyay fursadaasi oo ahayd mid muhiim ah.

Midawga Yurub ayaa sheegay in horumar la sameeyay, laakin waxa uu intaasi raaciyay in hadii si degdeg ah arrintan xal loogu heli waayo ay qasab ku noqon doonto dalalka Midawga Yurub inay ka fiirsadaan taageerada ay u fidiyaan hay’adaha dawladda federaalka ah, islamarkaana lagu baaqi doono shir caalami ah oo degdeg ah oo la xidhiidha arrimaha Soomaaliya .

Source Voa

One Response to Midawga Yurub oo ka fiirsanaya taageerada ay u fidiyaan hay’adaha dawladda federaalka ah, islamarkaana ku baaqi doono shir caalami ah oo degdeg ah oo la xidhiidha arrimaha Soomaaliya .

  1. Pingback: Midawga Yurub oo ka fiirsanaya taageerada ay u fidiyaan hay’adaha dawladda federaalka ah, islamarkaana ku baaqi doono shir caalami ah oo degdeg ah oo la xidhiidha arrimaha Soomaaliya . - Daily Somalia Report