Midowga Afrika oo soo dhaweeyay qabsashada Jasiiradda Kudhaa

Filed under: Wararka |

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Maman Sidikou ayaa u hambalyeeyay ciidammada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM guusha ay ka gaareen howlgalkii saakay dib looga xoreeyay Jasiiradda Kudhaa isagoo ku tilmaamay tillaabo lagu adkeynayo Ammaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Jubada Hoose.

“Magaalada Kudhaa waa goob istiraatiiji ah waxeyna dib u xoraynteeda tahay mid muhiim u ah Ammaanka gobolka Jubada Hoose, waxaana sii wadaynaa baacsiga Al-shabaab meelkasta oo ka mid ah dalka ilaa laga saaro Dalka,”sidaasi waxaa yiri Amb.Sidikou.

Jasiiradaha Mdoa iyo Dagazi waxaa gacanta ku haya Ciidanka xoogga iyo kuwa AMISOM qabsashada kudhaana waxa ay tahay tallaabooyinka cadowga looga fogaynayo Dakadaha muhiimka ah ee Gobolka.

Wararka laga helayo Jaziirada Kudhaa ayaa sheegaya in wax dagaal ah uusan halkaasi ka dhicin ayna Al-Shabaab dagaal la’ana uga baxeen, waxaana hada halkaasi isku fidinaya Ciidamada Jubba iyo kuwa AMISOM.