Miyiga Mudug oo la isu midiya tumanayo iyo dad xalay halkaas lagu layey.

Filed under: somali news |

Habeen nimadii xalay ayaa kooxdablay aha waxaa ay dileen halnin halka ay mid gabar kalana dhaaweceen.

Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Duleedka Gacnafale, meel lagu qiyaasay in ay u jirto ilaa 11km dhanaca koonfureen, sida la xaqiijiyey waxaa falkaan fuliyey maleeshiyaad kasoo jeeda Koonfurta Mudug, kuwaas oo doonayey in ay ugaarsadaan dad baadiyaha dagan.

Arintaan ayaa waxaa ay la xiriirtaa aanooyin qabiil halkaas kasoo laa laabanayey 2bilood oo udanbaysay, kadib markii ay halkaas kasoo cusboonaadeen duulaamo ay soo qaadayeen maleeshiyaad kasoo jeeda koonfurta, kuwaas oo saba bay in uu fal celin ka yimaado reer guuraaga dhan Puntland.

Arintaan waxaa ka hadlay taliyaha ciidan daraawiisha ee Mudug iyo Cayn Cabdi cali Nuur xagaafe, kaas oo sheegay in aysan ciidamadda Dowladda Puntland aysan lug kulayan waxayaabaha dhacaya, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in bulshadu si wada jir ah wax uga qabatoxaaladdah noocaan oo kale ah.

Inkasta oo ay sooxoogaysanayso colaada deegaananaddaan ka taagan hadana majiraan wax isku howlaya in arintaan wax ka qataan, mana jiro iskaashi ka imaanaya labada dhinac ee maamula Gobolka Mudug.

Hadaba hadii ay xaaladdu saan sii ahaato waxaa ay u egtahay ama lasadaalinayaa in ay dhacaan dagaalo ku salaysan qaaba’il kuwaas oo dib ugu soo laabta gobolka Mudug oo mudooyinkii danbe kasoo kabanayey colaadii horay usoo martay.

Puntlandobserver.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>