Mudadii la sameeyay Dastuurka Maraykanka oo hadda laga joogo 226 sano oo aan Halmaalin Madaxwayne Muddo loo kordhin (Cadaymo)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Nidaamka aduunka dalalka jirraa ay intiisa badan isticmaalaan ee Demoqraadiyadda ayaa waxaa ugu horeeyay dal samaysta Nidaamka noocaasa dalka maraykanka sanadkii 1789 kii oo hadda laga jooggo 224 sano.

Waxaa wax aad u cajiibba sida Dastuurkaas ummaddii isku raacday ay u tixgallisay waxaana aan idiin haynaa warbixin cadaana oo ka sheekaynaysa Madaxwaynayaashii Marayka soo maray oo uu ugu Horeeyay George Washington oo lagu Doortay Dastuurkii ugu horeeyay Maraykanka sanaddii 1789.

Illaa sanaddii 1789 Illaa maanta 2015 masoo marin Madaxwayne Maraykan ah oo Halmaalin loo kordhiyay, waayo sabab lowgu kordhiyo Dastuurkaba kuma taal.

Halkaan ka eeg Dhamaan Madaxwaynayaashii Maraykanka soo maray iyo midkasta mudada uu hayay xilka, warbixintaas oo uu qofwalba ku qanci karro.

U-S-A Presidential Elections, 1789–2012

Hadaba shacabka Maraykanka waxay go aansadeen in aan nina lowgu garaabin in aan waxaan sharci ahayn uu sharciyaysto, waxaana amaantaas leh shacabka maraykanka oo illaashada dastuurkooda.

Haddii halmaalin la jabiyo Qodob Dastuuriya, waxaa hallis galaysa in dhamaan wixii Dastuurka ku qornaa sidii larabo laga yeello hadhow markii muran ka yimaado jawaabtu noqoto Qodobkii shalay la jabiyay iyo qodabka aan maanta jabiyay maxay ku kala wanaagsanyihiin.

Dhanka kale waxaan iyana wax Muddo kordhin ah ka dhicin Dastuurkii Soomaaliya ee mudadii u dhaxaysay 1960 Illaa 1969.

Laakiin Puntland iyo Soomaaliland ayaa waxaa harqiyay Muddo Kordhin ay waliba dhanka Puntland rabshado arrinkaas ka dhashay ay dad badan u geeriyoodeen.

Hadana waxaaba dhanka Soomaaliland ka socda Muran culus oo la xiriira Muddo kordhinta.
Waxaa sidoo kale hadda hadal haya muddo kordhin Xasan Culusow oo ay hadda shacab fara badan khadyaan ka jooggaan.

One Response to Mudadii la sameeyay Dastuurka Maraykanka oo hadda laga joogo 226 sano oo aan Halmaalin Madaxwayne Muddo loo kordhin (Cadaymo)

  1. Pingback: Marlabaad Akhri:Mudadii la sameeyay Dastuurka Maraykanka oo hadda laga joogo 226 sano oo aan Halmaalin Madaxwayne Muddo loo kordhin (Cadaymo) | Puntland Observer