Muhiimadda Hogaanka Iyo Soomaalida Oo aan Aqoon Kala Duwanaasha Dadka Iyo Khatarta ay Leedahay Hogaan Aadan Aqoon U lahayn (Qormo Muhim Ah iyo waliba reer Khaatumo Galaydh iskama bartaan)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

LIBAAX DHURWAA
Bini aadamka illaahay abuuray ayaa aad u kala duwnan, dadka cilmiga bini-aadamka bartay iskuma mashquuliyaan hebel muxuu saas u samayn waayay ee waxay marka hore daraasad ku sameeyaan ficilooyinka qofka, maadaama ay ogyihiin in aannu waligiis is badalayn ee uu marwalba dhaqankaas ku soconayo inta uu ka dhimanayo.

Waxayna Soomaalidu ku maahmaahdaa “GACANTII QAAD QAADKA BARATA MARKA LA GOOYO GUMMADKAA DHAQDHAQAAQA”. calshaan qofka tuugnimada dhaqan u lahaa xitaa haddii gacanta laga jaro, inta yar ee hadhay ayuu wax ku qaadaa.

Soomaalidu waa dad aad u firfircoon illaahayna dhul qaniya siiyay, laakiin waxaynan aqoon u lahayn muhiimadda ay leedahay in aad xuluto ruuxa aad hogaanka ka dhiganayso, ee taa badalkeeda inta badan gacmo shisheeye oo khabiir ku ah kala duwanaashaha dadka ayaa kusoo maal galiya oo Soomaalida u so xula hogaan leh dabeecadaha siyaasadda ay dhanka Soomaalida ka doonayaan ama siyaasiyiin leh dhaqan dhurwaaga oo markaas maadaama ay iyagu cilmigaas khabiir ku yihiin oo ay saacad ku akhrin karaan qofkasta iyo dabeecadihiisa.

Matalan xiliga la doonayo in bulshada cadaalad daro laga dhex abuuro waxaad arkaysaa bulshadii oo uu hogaan u noqday ninkii ugu khatarsanaa sidii cadaalad daro umadda loo dhex dhigi lahaa.

Dhanka Khaatumo.
Bulshada reer Khaatumo ayaa diidan gooni isutaagga Soomaaliland, balse waxaa hogaan looga dhigay nin fikirkaas gooni isutaagga aaminsan balse maadaama ay bulshadaan fikirkaas kasoo horjeedaan aan toos u oronkarin in uu taageersanyahay fikirka gooni isutaagga.

Haddii marka ay bulshada khaatumo doonayso fikirka gooni isutaagga waxay ahayd in ay toos isaga raacaan Somaliland, laakiin haddii ay diidanyihiin fikirka gooni isutaagga sabab ay Cali Khaliif hogaan uga dhigtaan awalbayba qalad bay ahayd waayo qofwalba oo inyar oo caqliyi leh wuu ogaa in Cali uu fikirka gooni isutaagga uunan diidanayn haddii mansab la siiyo, ficilooyinkiisiina ayba ahaayeen kuwo uu bulshada ku hoosaasinayay.

Qofkasta oo illaahay abuuray meel buu ku wanaagsanyahay, waxaana habboon in la xusho hogaan qabankara hawsha ay ugu baahi badantahay bulshadu xiligaas, haddiise aynan bulshadu arrinkaas ilgooniya ku eegin waa ay ku guul daraysanayaan hadafkoodii, waxayna ka dhigantahay haddii matalan kubad la ciyaarayo oo aad weerar ka dhigato nin ku fiican Teniska ee aan ku fiicnayn Kubadda, maxaad filanaysaa ma in aad guulaysato mise?.

Maanta Soomaali waxay u baahantahay hogaan leh kartida sadex arrimood.
1) Hogaan yaqaan sida loo dhiso nidaam cadaalad ku aslaysan, ma ahan kaliya hogaan cadaaliya.
2) Hogaan leh kartida uu bulsahda Soomaalida ku midayn karo.
3) Hogaan musqmaasuq iyo eex bari kah.

Hadaba daawo aflaamtaan muhiimadda hogaanka iyo hal abuurkii 1000 libaax oo Goray Hogaamiyo waxaa ka jaanis wanaagsan 1000 goray oo hal libaax hogaamiyo.


One Response to Muhiimadda Hogaanka Iyo Soomaalida Oo aan Aqoon Kala Duwanaasha Dadka Iyo Khatarta ay Leedahay Hogaan Aadan Aqoon U lahayn (Qormo Muhim Ah iyo waliba reer Khaatumo Galaydh iskama bartaan)

  1. Pingback: Muhiimadda Hogaanka Iyo Soomaalida Oo aan Aqoon Kala Duwanaasha Dadka Iyo Khatarta ay Leedahay Hogaan Aadan Aqoon U lahayn (Qormo Muhim Ah iyo waliba reer Khaatumo Galaydh iskama bartaan) - Daily Somalia Report