Muran Badanaa

Filed under: Articles,Important News,MAANSOOYINKA,Wararka |

Muran Badanaa

 

Soomaaliya mas’uul badanaa

Magac dawlo badanaa

Maammul-goboleed badanaa

Madaxweyne badanaa

Macne-xume badanaa,

Muwaafaqaddarro badanaa.

 

Xaajo murugsan badanaa

Qabiil muransan badanaa

Musuqmaasuq badanaa

Maal xaaraan ah badanaa

Dad is maagay badanaa,

Miciindarro badanaa!

 

Mooryaan qaawan badanaa

Ruux maldahan badanaa

Maan-doorsan badanaa

Madiidin gaalo badanaa

Mus la galo badanaa,

Qof masaar liqay badanaa!

 

Wadaad mufsida badanaa

Diin maroorin badanaa

Marin habaabin badanaa

Mujaahid been ah badanaa

Anaa mudiir ah badanaa,

Alla mushkilo badanaa!

 

Muqdisho macnayaal badanaa

Mowjad kacsan badanaa M

iino qaraxda badanaa

Maanyo moorto badanaa

Maringooyo badanaa,

Meeshu qaylo badanaa!

 

Madaxweynuhu dhoof badanaa

”Waa lay macsuumay” badanaa

Meelo aad-aad badanaa

Martiqaad shisheeye badanaa

Ninku Maqnaansho badanaa,

Meelo-sare-waab badanaa!

Hargeysa muusannow badanaa

Midnimo-diid badanaa

Waa nala maagay badanaa

Miig baa na laayay badanaa

Astaan mariid ah badanaa,

Maajaan xorownay badanaa!

Garoowe masayr badanaa

Madaxdeedu cuqdad badanaa

Muddac iyo qaylo badanaa

Annagaa mudnayn badanaa

Waa nala garabmaray badanaa,

Marmarsiinyo baas badanaa!

 

Reer Mudug xasarad badanaa

Magaalo qaybsan badanaa

Gaalkacyo Maayar badanaa

Nin is magacaabay badanaa

Mid kaloo ku haysta badanaa,

Alla dadku maag badanaa!

 

Kismaayo muran badanaa

Anaa marooqsaday badanaa

Waan maali jiray badanaa

Madaxweynayaal badanaa

Magli xanaf leh badanaa!

 

Gaal maqiiqan badanaa

Amxaar muraadle badanaa

Kiinyaati muun ah badanaa

Musefeeni baahan badanaa

Soomaali meyd ah badanaa,

Magaalo dunsan badanaa!

 

Soomaaliya maal badanaa

Xoolo miyi badanaa

Geel mawjad ah badanaa

Lo’ la maalo badanaa

Mooro adhi ah badanaa,

Haddana macaluul badanaa!

 

Maanyo buuxda badanaa

Webi ma’wi ah badanaa

Mallay bilaash ah badanaa

Ceel macaan badanaa

Dhasheeg meersan badanaa,

Mar kalana oon badanaa!

 

Baardheere meseggo badanaa

Afgooye muus badanaa

Babbaay miiran badanaa

Bariiska Mugaambo badanaa

Mareerrey sonkor badanaa,

Dalkuna macaluul badanaa!

Maanyadeennu dherer badanaa

Maraakiib shisheeye badanaa

Tuug mulfinaaya badanaa

Militeri qalaad badanaa

Mooryaan badeed badanaa

Halaq mareen badanaa,

Alla meeshu muran badanaa!

 

Summadlaawe

One Response to Muran Badanaa