Muranka Aqalka Sare iyo Maqaamka Muqdisho( Maqaal Kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

Kadib markii hannaanka 4.5 wax lagu qaybsaday, Beesha degta magaalada Muqdisha illaa Gaalkacyo, waxay wax ku qaateen laba maamul Gobaleed.

Gaalkacyo iyo Muqdisho waxay isku jiraan 750 km, halka Gaalkacyo iyo Boosaaso ay isku jiraan 750, waliba hadana marka la jooggo Boosaaso oo dhanka Cirifka lasii aado maalin dhan buu gaarigu sii socdaa.

Hadaba Gaalkacyo iyo Muqdisho dhexdooda waxaa ay qaateen laba maamul Gobaleed, halka Gaalkacyo iyo Boosaaso hal maamul Gobaleed ay qaateen.

Aqalka sare ayaa maamul Gobaleedkasta waxaa loo qoondeeyay 8 kursi, oo isku dar isku noqonaysa 6 maamul 48 kursi.
Dhanka kalena Gobalada Sool Sanaag iyo Degmada Buuhoodle ayaa loo qoondeeyay 6 Kursi oo sadex la raaciyay dhanka Puntland 3-na la raaciyay dhanka Somaliland.

Shaxdan markaad eegtid oo si daacada u dul istaagtid waxaad mooddaa in deegaanada u dhexeeya Muqdisho iyo Gaalkacyo aad lowgu sad buriyay oo ka dhigan waxay ka kuraas badan yihiin Puntland iyo Somaliland, iyagoo dhanka dhulka ka baaxad yar, waxaana arrinkaas malaha loo sameeyay waxaa la raaciyay magaalada Muqdisho.

Hadaba waxaa isa soo taraya siyaasiin dadka been ka dhaadhicinaya oo leh aaway kuraastii Muqdisho.

Magaalada Muqdisho shacabka degan waa shacabka kasoo jeeda lixda maamul Gobaleed iyo SSC oo si dadban kuraastoodii loo kala raacshay Puntland iyo Somaliland, marka qolooyinkii shaxda sameeyay si daacadaysan bay shaxda u dhigeen oo ay ahayd waliba in ay si fiican u qancaan beesha degan min Muqdisho Illaa Gaalkacyo.

Daawo maapka
Muqdisho-Gaalkacyo

iyo Maapka Gaalkacyo iyo Gobalka Bari
Gaalkacyo-bari

Dhanka kalena hoos waxaad ka eegtaa Maapka deegaanada SSC
ssc-map

2 Responses to Muranka Aqalka Sare iyo Maqaamka Muqdisho( Maqaal Kooban)

  1. Pingback: Muranka Aqalka Sare iyo Maqaamka Muqdisho( Maqaal Kooban) - Daily Somalia Report