Mushaarka ugu Yar ee Shaqaalaha Adduunka oo la Kordhiyey

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Wararka |

Yaasiin VII

Yaasiin Cabdullaahi Faash

Mushaarka ugu Yar ee Shaqaalaha Adduunka oo la Kordhiyey

Waxaa kor loo qaaday mushaarrada shaqaalaha hoose ee xoogsatada dunida. Taasi waxay caddeeyn u tahay in siyaasaddii ay dhaqaalihii ka guuleeysatay.

Suuq-geeynta siyaasadda iyo suuq-geeynta ganacsiga mararka qaarkood waxay ku kala duwanyihiin ma jirto. Badeecado ay fududdahay garashadooda iyo isticmaaliddooda waxay dhaantaa kuwa ay adagtahay garashadooda iyo isticmaaliddooda. Sumcadda wanaagsani waxay dhaantaa sumcadda xun. Ballanqaadyada waaweyn oo la galo badankood waa kuwo yaryar. In macaamiishu badeecadaha ay ku qanacsanyihiin waxba kama khuseeyo. Haddaba la yaab malahan in aad loo jecelyahay istiraatijiyada suuq-geeynta siyaasadda ee lagu kordhinayo saacaddii ugu yaraan mushaarka ugu hooseeya shaqaalaha loo siiyo (Minimum Wage).

Sinnaan la’aanta dakhliga ee sii kordhaya wuxuu waddammo badan u yahay mawduuc xasaasiyad abuura. In la kordhiyo saacaddii ugu yaraan lacagta mushaarka shaqaalaha ayaa dawo loo arkay. Laga soo billaabo qalalaasihii dhaqaalaha sannadkii 2007, waxay waddammo badan kordhiyeen saacadihii mushaarka hooseeya ee shaqaalaha. Waxaa hadda xoogeeystey dhaqdhaqaaq caalami ah.

Ingiriiska oo imminka talada xukuumadda uu hayo Xisbiga Muxaafadka (Conservative Party), waxaa la hadal hayaa “National Minimum Wage” oo hadda saacaddii mushaarka shaqaalahu yahay 7.20 British Pound, in la gaadhsiiyo 9.00 British Pound sannadka 2020ka. Waxay markaas korortay 13%. Jarmalka ma jiro koror, waxaase la soo rogay sharci sannadkii 2015kii in shaqaalaha ugu yaraan saacaddii ku shaqeeyaan 8.50 Euro. Maraykanka oo hormuudka siyaasadeed iyo dhaqaale adduunka ah, waxaa ka jira olole lagu doonayo in mushaarrada shaqaalaha hoose la kordhiyo. Imminka saacaddii ugu yaraan mushaarka shaqaalaha ku shaqeeyaan waa 7.25 USD. Waxaa ololaha lagu doonayaa 15.00 USD la gaadhsiiyo (fight for 15 USD). Marwo Hillary Clinton waxaa ballanqaadkeedii doorasho, 2016kii, uu ahaa in ay ka dhigayso 12.00 USD haddii ay madaxweynennimada ku guuleeysato.

Dawlad goboleedada Maraykanka sida, California, Oregon iyo New York, ayaa doonaya waqtiyada dhow-dhow in ay hirgeliyaan sharciyo u gaar ah saacaddii ugu yaraan mushaarka shaqaalaha in ay ka dhigaan 15.00 USD.

Ra’iisul Wasaaraha Japan, Shinzo Abe, waxa uu qorsheeyey in la kordhinayo saacaddii mushaarka shaqaalaha ugu yaraan 3%. Tijaabo dhaqaale weeye aan la hubin halka ay ku dambeeyn doonto. Jarmalka waxaa la qorsheeyey sannadkan in guddi la magacaabo si uu saacaddii ugu yaraan mushaarka shaqaalaha u kordhiyo. Ururrada shaqaalaha iyo xisbiga bidixda ayaa u durbaan garaacaya kordhinta. Waxay doonayaan in 10.00 Euro laga dhigo. Muddo tobannaan sannadood ah bay dawladahu aanay faraggelinnin ganacsiga oo suuqyadu ahaayeen xor. Haddase waxaa faraqyada haysta arrinta mushaarka shaqaalaha xoogsatada ah, maxaa yeeley muhiimad bay u leedahay hagaajinta shaqaalaha iyo shaqaaleeysiintooda. Eegga haddii la kordhiyo dakhliga qaybaha bulshada ugu saboolsan, waxaa soo dhoweeynaya codbixiyayaasha. Hadhowse kolka dadku shaqooyinkooda waayaan, maxaa yeeley shirkadihii ayaan bixin karin mushaarrada qaaliyoobaya waxay eedeeynayaan shaki la’aan shirkadaha. Hayeeshee eedaha ugu weyn waxaa dusha laga saarayaa xukuumadda iyo maammulka kolkaa xukunka jooga. Si aan khalad loogu fahminnin, sababo wanaagsan bay leedahay in la kordhiyo ugu yaraan saacaddii mushaarka shaqaalaha ku shaqeeynayaan. Waxa jira farqi dhaqaale weyn oo u dhexeeya shaqo bixiyaha iyo shaqo dalbadaha. Sidaa darteed waa in sharci kala xadeeynaya jiraa oo xaduud aan la dhaafi karin iyo si caddaalad loo gaadho.

Ilaa iyo hadda dhibaato kama iman xagga sharciga mushaarka ugu yar ay shaqaaluhu saacaddii ku shaqeeynayaan. Shaqooyinkii waddammada sida Maraykanka, Ingiriiska iyo Jarmalka waa kordheen. Waxa iyana muhim ah in la xuso mushaarka yar ee saacaddii shaqaaluhu ku shaqeeyaan oo la kordhiyo waxay caqabad u keeneeysaa malaayiinta muhaajiriinta iyo soo-galootiga ah. Waayo shirkadihii ayan doonnayn ama bixin karin shaqaale mushaar qaali ah ku shaqeeya iyo shaqaalihii dhaladka ahaa ayaa iyana shaqooyinkooda waayaya.

Siyaasadaha daacadda ahi ee dakhliga sida ugu macquulsan loo qaybinayo waxay noqonaysaa sidan:

  • In kor loo qaado tayada waxbarashada;
  • In muhaajiriinta iyo soo-galootiga laga qaybgasho dhaqaalaha waddammada ay yimaadeen (economic integration);
  • In nidaamyada canshuuraha iyo nidaamyadda adeegyada bulshada la hormariyo. Qoysaska ugu danyarsan in yar baa shaqooyin joogto ah haysata marka kordhinta ugu yaraan saacadii mushaarka shaqaalaha macno u soo kordhin mayso. Ciddii doonaysa in ay caawinto waa in ay u sameeyso barnaamijyo diiradda saaraya baridda xirfado ay ku shaqeeystaan.

Yaasiin Cabdullaahi Faash

13.10.2017