Mustafe Martin Oo Isku Magacaabay Madaxwaynaha Soomaaliland Ee Qurbaha Iyo Gudaha (Daawo Adaa Yaabi)

Filed under: Important News,Wararka |

Hadaan awla la yaabanayn kooxihii gooni isutaagga oo Soomaalidii masaakiinta ahaa dalkoodii qayb kamida harcad iska calaamadsaday oo yiri intaan innagaa la go’nay.

Maanta waxay maraysaa qayb kamida Soomaaliland-tii in lagu yiraahdo intaan oo ah qaybkamida Somaliland innagaa la go’nay.
Talow haddii hadda ay Martin dalal jecel kala ququbka Soomaaliland ay fikirkaas ku taageeri lahaayeen oo hub iyo maal soo siinlahaayeen, maxay dareemi lahaayeen qolooinka taageersan xukuumadda Somaliland ee hadda.

Waxaa kaloo ka cad meesha in uunan Soomaali samayn karrin nidaam siyaasadeed cadaalad ku dhsan, oo hadda Martin haddii uu cadaalad dareemi lahaa kuma dhawaaqeen jamhad.

Tani waxay jawaab u tahay qolooyinkii awal eedayn jirray madaxdii Soomaaliwayn cadaaladdaradii ay sameeyeen oo waxay muujinaysaaa in haddii barigaas Soomaaliya ay madax ka noqon lahaayeen Muuse Biixi iyo Siilaanyo ay iyaguba soomaaliwayn ka dhex samayn lahaayeen cadaalad darada ay Somaliland gudaheeda ka sameeyeen.

Laakiin si aad waxa cadaalad darada keenaya qayb kamida u fahanto akhri maqaalkan