Muxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Xulufada Sacuudiga Iyo Qadar, Doorka Soomaaliya Kaga Aadan Se Muxuu Ku Habboonyahay

Filed under: Important News,Wararka |

waano
Inkastoo ay jiraan doodo badan oo kala duwan oo cabiraya waxa uu salka kuhayo dagaalka Sacuudiga iyo Qadar hadana waxaa jirta dood oranaysa wuxuu salka ku hayaa Dhuumo Shidaal, akhri qormo doodaas ka hadlaysa –> Maap Cadaynaya Qulquladda Sacuudiga Iyo Qatar In Ay Salka Ku Hayso Dhuumaha Gaaska Qatar Oo Dhanka Iran Loo Weecinayo (Fallanqayn).

Gadaal baan ka fallanqayn doonnaa eedda ay ku leeyihiin Farmaajo iyo Khayre Khilaafka Qadar iyo Sacuudiga hanaanka ay u wajaheen.

Laakiin shacabka Soomaaliyeed waxaa u wanaagsan in aynan dhex dabaalan siyaasadaha aduunka ku salaysan ee ay dalalka waawayn ee caalamka ku loolamayaan,  waayo Soomaali waxaa u wanaagsan in ay ka fogaadaan wax allaale oo colaad ku leg leh, waxaana Soomaalida u sharaf badan in ay dhexdhexaad ka ahaadaan dalalka ishaya, waayo aduunka oo dhan Soomaali baa ku nool, waxaana wanaagsan in la tixgalliyo dal walba oo ay ku noolyihiin 1000 ruux oo Soomaaliya oo nabad ku haysta dalkaas.

Hase yeeshee waxaa jirtay in ay DFS sheegtay in ay dhexdhexaad ka ahaayeen khilaafka Qadar iyo Sacuudiga, balse waxaa jira tuhun in Madaxda dfs ay kharashaad iyo mashaariic ka qaateen dalka qadar, arrinkaasina uu meesha ka saarayo dhexdhexaadnimadii, waxayna ahayd in ay taa badelkeeda safaro degdega ugu tagaan shacabka walaalaheen ee Sacuudiga iyo Imaaraadka Iyo Baxrayn Iyo Masar kana dhaadhiciyaan in Baarlamaanka Soomaaliya iyo shacabkooduba go’aansadeen in ay kaalinyta dhexdhexaadinta ka qaybqaadanayaan, balse taa badelkeeda waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in DFS ay kharashaad iyo mashaariic ka qaateen dalka Qadar.
Dhanka kalena waxaa khalkhal galay ganacsigii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ahaa 80% halka ay Soomaalidu xoolaheeda u dhoofinaysay, waxaana aad u yaraa xiriir ay Nadaxda DFS la sameeyaan maamul Gobaleedyada iyo waliba madaxda DFS oo aan illaa hadda bookhan Puntland.

– Si arrimahaas xal looga gaaro waxaa wanaagsan in Madaxda dfs cadeeyaan wixii kharasha oo dhanka Qadar kasoo galay iyo halka uu maray iyo waliba in ay qaban qaabiyaan shir deg dega oo maamul Gobaleedyada iyo DFS ay moqqif midaysan arrinka kaga yeelanayaan.

-Ugu danbayntii waxaan ku talinlahayn in dastuurka Soomaaliya lagu daro in aynan Soomaaliya marna qayb ka noqonayn dagaalada u dhexeeye dalalka caalamka, balse taa badelkeeda ay Soomaaliya qaadanayso marwalba kaalinta dib u heshiisiinta iyo islaaxa.

-haddii aad mid la safato laba ruux oo adiga kuu siman, ogow waxaad qayb ka tahay wixii dhiba oo halkaas ka yimaada, sidaas la ajligeed waa xaaraan maqdaca in aad mid la safato laba ruux oo xurgufi dhexmartay.
-Xulufada Sacuudiga ayaa ku eedaysay dalka qadar in uu taageero ururada argagixisada, waana arrin dhaba oo alshabaab Qadar baa taageerijirtay, hase yeeshee ururadaas dalal badan baa lagu xantaa in ay taageeraan, waxayna ahayn in Sacuudigo uu marka hore aduunka ka dhaadhiciyo dhibka ay qadar waddo, iyo wixii caalamku ka yeelilahaa hadday joojinwaydo taageerada ururada xagjirkaa iyo taageerada musharaxiinta xiliyada tartanka doorashooyinka dalalka soo koraya.

-gebagabadii halkaan kilig garee oo ka eeg warbixinadii ku saabsanaa in dagaalada dalalka caalamka dhexdhexaad laga noqdo ee aan P/O ku baahin jirnay.