Muxuu yahay Shirka Shidaalka looga hadlayay oo Shalay uu London uga qayb galay Wasiirka Shidaalka Ee Dowlada Federaalka

Filed under: Wararka |

Muxuu yahay Shirka Shidaalka looga hadlayay oo Shalay uu London uga qayb galay Wasiirka Shidaalka Ee Dowlada Federaalka
Shirkada Som Oil oo uu Sanadkii hore sameystey nin Hindi ah oo dhalasho Ingiriis ah heysta ayaa soo qaban qaabiyey shir hal maalin soconayay ayaa shalay wuxuu ka dhacey London.
Wasiirka Shidaalka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar horeyna U ahaan jirey Xiligii Madaxweyne Faroole Wasiirka Xiriirka Caalamiga Puntland ayaa shirkaan ka qayb galay.
Shirkada Soo qaban qaabisey shirkaan ay sheegeen in lagu falan qaynayo shidaalka Soomasliya ayaa ah Shirkad heshiis la gashey Villa Soomaaliya iney kala taliyaan arimaha Shidaalka, Heshiiskaas markuu dhacayay ayaa shirkada la sameeyey oo ahayd sanadkii 2013, Ninka iska leh Som Oil waa hindi loo heysto musuqmaasuq inuu sameeyey dhowr jeer.
Halkaan ka akhri shirkada macluumaadkeeda
Sida ay Puntlandi warka ku heleen shirkaan shirkadihii lagu casumay badankoodu way ka cududaarteen oo waxay ka qayb galeen shirweynaha maalgashiga Afrika oo isna London ka bilowdey shalay
stop cheating
Shirwaynahaan caalami ah oo Maalgashiga Afrika looga hadlayo Waxaa lagu casumay Puntland oo qura.
Saxaafadaha qaarkood baa isku qaldaya shirka Wasiirka federaalku ka qayb galay iyo kan Maalgashiga oo laba shir ah.
Wasiirka Shidaalka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Dauud Maxamed Cumar oo ah nin Reer Puntland ah ayaa dad ka ogdhow waxay Puntlandi u sheegeen in Wasiirku uu yiri “Shirka Maalgashiga Afrika ee London ka socda laguma casumin Dowlada Federaalka iyo Soomaaland midna waxaa lacasumey Puntkand oo qura, ana waxaan London u joogaa shir shidaalka ku saabsan oo aan shalay ka qayb galay, wuxuuna ahaa hal maalin oo qura.”.
Puntlandi.com
London

Source: http://puntlandi.com/muxuu-yahay-shirka-shidaalka-looga-hadlayay-oo-shalay-uu-london-uga-qayb-galay-wasiirka-shidaalka-ee-dowlada-federaalka/