Nabad Weeye Ujeeddadii QM Loo Unkay

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Wararka |

Yaasiin VII

Nabad Weeye Ujeeddadii QM Loo Unkay

Nabad La’aani Waa Nolol La’aan [No Peace No Life]

 

Maqaalku wuxuu ku saabsanyahay taariikhda iyo qaab-dhismeedka ururka Qarammada Midoobey. Waxaa in muddo ah soo jirey dalabyo ah in ururkan dib-u-eegis lagu sameeyo, gaar ahaan hay’addiisa awoodda badan – Golaha Ammaanka. Hadda Madaxweynaha Maraykanka ayaa taageerey in isbeddel Qarammada Midoobey lagu sameeyo.

Aasaasiddii Ururka

Dagaalkii Labaad ee Adduunka kaddib sannadkii 1945kii waxaa dhidibbada loo taagay ururka Qarammada Midoobey [QM]. Af Ingiriisiga lagu yiraahdo “United Nations Organisation” [UNO]. Xarunteeda guud waxay ku taallaa magaalada New York, Maraykanka. Dawladaha ku midoobey waxay doonayaan in adduunka dagaal dambe ka dhicin. Maanta badi dawladaha adduunku xubno ayay ka yihiin. Ururka waxaa hoos yimaada hay’ado kala dudduwan sida hay’adda carruurta qaabbilsan (Unicef), midda waxbarashada, dhaqanka iyo goobaha taariikhiga qaabbilsan (Unesco), tan caafimaadka qaabbilsan (WHO), iwm.

Qaab-Dhismeedka Ururka

Wuxuu ka koobanyahay saddex qaybood oo kala ah:

1.Golaha Ammaanka 2. Golaha Dhexe 3. Xafiiska Xoghayaha Guud

Nabad ilaalinta adduunka waxaa qaabbilsan Golaha Ammaanka. Golaha Dhexe iyo Xafiiska Xoghayaha Guud waxay ku leeyihiin talobbixin. Golaha Ammaanka wuxuu ka koobanyahay shan xubnood oo joogto ah iyo toban xubnood oo aan joogto ahayn. Shanta joogtada ah waa: 1.Maraykanka 2.Ruushka 3.Ingiriiska 4.Faransiiska 5.Shiinaha. Shantani waxay leeyihiin codka “Veto” ee go’aanka diidmada ah, halka tobanka xubnood ee aan joogtata ahayn ayan lahayn codkaas. Muddo dheer sidaas bay ahayd, laga soo billaabo aasaasiddii Golaha Ammaanka toddobaatan sano ka hor. Mid ka mid ah shanta xubnood hadduu adeegsado codka “Veto” waxaan dhaqangalayn go’aammada goluhu gaaro. Soomaaliya waxay xubin ka tahay QM konton iyo toddoba sano. Waxay Soomaaliya noqotay xubin aan joogto ahayn Golaha Ammaanka sannadihii 1971-1972. Xubnaha aan joogtada ahayn ee haatan ku jira waa: 1. Bolivia 2. Itoobiya 3. Kasakhistaan 4. Sweden 5. Masar 6. Talyaaniga 7. Japan 8. Senegaal 9. Ukrain 10. Uruguay.

Ujeeddooyinka Ururka QM

Ujeeddooyinka ururku hiigsanayo sida lagu qoray xeerkii lagu aasaasay ilaa imminkana jirinnin wax iska beddeley ayaa ah ilaalinta nabadda iyo ammaanka adduunka; in dagaal dambe adduunka ka dhicinnin iyada oo markii la qorayay xeerka la xasuusanaa xanuun aan laga sheekeeyn karinnin aadanaha ka soo gaadhay Dagaalkii Labaad ee Adduunka; in xirriir saaxiibtinnimo dawladaha dhexmarto; iyo in difaacidda xaquuqul-insaanka la adkeeyo. Wafdiyo ka socday konton dawladood ayaa isku raacay xeerka 25.6.1945 magaaladda SanFransisco, Maraykanka. Waxaa la ansixiyey 24-10.1945. Maanta QM wuxuu ka koobanyahay boqol iyo sagaashan iyo saddex dawladood. Waajibkoodu wuxuu yahay dagaal baajin iyo iskaashi nabad ku qotonta.

Kaalinta Waddammada Dhaqaalaha Weyn

Magaaladda Bonn, Jarmalka, waxaa ku yaalla xarummo tiro badan oo ah hay’ado QM leedahay. Wuxuu Jarmalku qayb ka qaataa hawlgallada ciidanka nabad ilaalinta dibedda QM, tababbaridda ciidammada booliska, dembibbaarayaasha iyo shaqaalaha rayidka, dhexdhexaadinta diblomaasi goobaha caalamka xasaraduhu ka jiraan. Miisaaniyadda QM waa laba sannadle. Sannadaha 2016 iyo 2017 waxay dhantahay 5.62 bilyan Dollarka Maraykanka. Jarmalka wuxuu ku tabarrucaa lacag 161.1 milyan oo Dollarka Maraykanka sannad kasta. Waa waddanka afaraad ugu taburrucada badan. Koowaad waa Maraykanka oo bixiya miisaaniyadda ama kharashyada QM boqolkiiba labaatan iyo labo (22%). Kan labaad waa Japan oo bixisa boqolkiiba sagaal dhibic toddobo (9.7) sadexaad waxaa gashay Shiinaha oo bixisa boqolkiiba toddobo dhibic sagaal (7.9%).

Dib-U-Eegis

Laga soo billaabo xilligii la aasaasay QM waxaa laysku dayayay in lala jaanqaado isbeddellada si uu wax u qabato. Iyadoo taa laga duulayo ayaa dib-u-eegis lagu sameeyey bajadka iyo xafiiska xoghayaha guud si kor loogu qaado maammul wanaagga iyo in la yareeyo musuqmaasuqa. Dhanka kale waxaa muddo dheer doodo aan dhammaad lahayni ka socotay Golaha Ammaanka. Waddammada aan ahayn xubnaha joogtada ah iyo kuwa kaleba waxay dareemeen in talooyinka ayan saameeyn weyn ku lahayn.

Waxaa laga yaabaa in shanta xubnood Golaha Ammaanka awood qaybsiga adduunka Dagaalkii Labaad ee Adduunka kaddib sedbursadeen. Waxaa isa soo taraya dalabyada in qaab-dhismeedkii hore ururka wax laga beddelo si laysugu dheellitiro wakiillada dhammaan qaaradaha, haddii kale la sameeyo wada tashi ama laga saaro meesha codka “Veto”. Waddammada aadka u doonaya in ay noqdaan xubno joogto ah Golaha Ammaanka waa: 1.Brasiil 2. Jarmalka 3.Hindiya 4.Japan.

 

Yaasiin Cabdullaahi Faash

yaasiinfaash@outlook.com

 

One Response to Nabad Weeye Ujeeddadii QM Loo Unkay