Nabadoon Xaad: Taangiga Kenya Haduu Kismaayo ka baxo Ciidamada Jubbooyinka ma difaacan karaan

Filed under: Important News,Wararka |

Saxaafadda Muqdisho, Xildhibaanada iyo oday Dhaqameedka Muqdisho ayaa aaminsan mar haddii ciidamada Amsimo ee Kenya ay Kismaayo ka baxaan in markaas ciidamada Jubbooyinka xoog looga saari karo.
Bal dhegeyso fikirka Oday Xaad oo leh haddii Taangiga Kenya Kismaayo kabaxo in markaas uu xaad Kismaayo xoog kula wareegi karo.

Dad badan baa aaminsan in saxaaafadda Muqdisho aynan daacad ahayn, mar haddii aanay ka hadlayn ciidamada Amisom ee dawladaha kale sida Ethiopia iyo Ugandha, balse aad moodid si aan daacad ahayn in saxaafadda Muqdisho si gooniya oo qabyaaladaysan ay ka eegayaan Ciidamada Amisom ee kenya.

Waxaa wanaagsan in si isku mid ah loo arko ciidamada Amisom ee Soomaaaliya jooga oo dhamaantood hal go’aan laga qaato ee aan lakala saarin.

Oday Xaad wuxuu illoobay in Gacmo shisheeye markasta ay lug ku lahaayeen dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, oo dhamaan Hogaamiye kooxoodkii Kismaayo qabsanayay ay gacmo shisheeye marwalba lug ku lahaayeen

One Response to Nabadoon Xaad: Taangiga Kenya Haduu Kismaayo ka baxo Ciidamada Jubbooyinka ma difaacan karaan