Nichalas kay: Maamulka Gobalada dhexe loo samaynayo waa Galmudug iyo Galguduud ee ma quseeyo deegaanada waqooyiga Mudug ee Puntland (Dhageyso iyo Falanqayn)

Filed under: Wararka |

Wikiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya u Qaabilsan Nicholas Kay oo kamid ahaa saxiixayaashii Beesha Caalamka ee Goobjoogga ka ahaa markii lasamaynay Maamul Goboleedkii Mudug iyo Galgaduud, ayaa sifudud oo aan dhib lahayn u cadeeyay degmooyinka ay quseeyaan maamulGobaleedkaani kuwaasoo uu sheegay in aynan ku jirin waqooyiga Mudug, taas oo meesha kasaartay shakigii reer Puntland ay ka shiakisanaayeen awal in arrinkaas jiro.

Halkaan ka dhageyso.
[audio:http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2014/08/kay.mp3]

Ama Moobiilkaaga ka dhageyso

Waxaa ay tani fadeexad ku noqonaysaa Xasan Shiikh iyo kooxihii kale ee sida qaldan u qaatay isla markaana xasan laga kari waayay cadee maxaad ula jeeddaa MUDUG IYO GALGADUUD, ma koonfurta Mudug mise Mudug oo dhan.

Xasan ayaa kusoo koobayay hadaladiisa Puntland maamulkaan lasamayhaa xabad u dhimimaa, Puntland sideeday sii ahaahee, halka dhanka kalena qoabadii heshiiska lagu qoray Mudug iyo Galgaduud waliba ay dhamaan taageerayaasha Xasan ay ku doodayeen waa Gobalka Mudug oo dhan sida uu Cabdiqaydiidba waraysigiisii ku cadeeyay, ama laga dheehanayay taageerayaasha Xasan ee dunida oo qabanay Xaflado lagu taageerayo arrinkaas, iyo Websaydyada ooba lagu soo bandhigay shaxda awood qaybsi ee Beelaha oo kakoobnayd 25 xubnood oo Beesha Majeerteen lasiiyay 2 Xubnood, iyo beelaha kale ee Daarood ee dega Gobalka Mudug oo dhamaantood xubno lasiiyay.

Hadhow bay Soomaalidu waxay oron doonaan gacmo shisheeye ayaa Soomaaliya dhibka ku haya, laakiin maanta tani waxay caddaysay in Soomaalidu dhibka isku hayso ee aynan Gacmo Shisheeye wax dhib ah ku hayn.