Nicholas Kay “Ma aqbali doono in madaxda dalka waqti ku darsadaan”

Filed under: Wararka |

Ergayga Gaarkaa ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Nikolase Kay oo lahadlay Idaacada VOA Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in aysan Beesha caalamka Aqbali doonin in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameystaan Mudo Kororsi waqtiga u harsan Marka uu ka dhamaado.

Kay ayaa sheegay in Mudada u harsan Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay Dardar galiso Shaqooyinka horyaala oo ay kamid yihiin Sameynta Maamul Goboledyada Dalka iyo Afti u qaadista Dastuurka Qabyo qoraalka ah iyo Xasilinta Ammaanka guud ee Dalka.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan wax qabad wanaagsan oo mudada ay jirtay dowladda ay qabatay taa oo mudan in la xuso laguna amaano.

Hadalka Nikolas Kay ayaa imaanaya xili Dowladda Soomaaliya ay isku diyaarineyso Doorashooyin Madaxtinimo oo Sanadka 2016 lagu wado Dalka in ay ka dhacdo.

Waloow warar hoose ay sheegayaan in waqtiga haray oo yar awgiis uu madaxda ugu sareeyo dalka soo galay hami ah in ay waqti ku darsadaan si ay hawlaha dhiman oo mudo dheer u baahan laga guul gaaro.