Nicholas Kay oo waraysi uu bixiyay kaga waramay doorashada 2016, walaaca Somaliland ee Ciidanka qaranka somalia, Amisom Puntland

Filed under: Important News,Wararka |

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Kay ayaa rajo ka muujiyay suurtagalnimada in doorasho ay ka qabsoomeyso Somalia iyo in kale.

Mr. Kay oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay in dhiirigelin ay tahay in madaxda Somalida ay go’aansadeen oo ay wada qaateen in muddo kordhin aysan jiri doonin marka waqtigu dhamaado bisha Agust oo ah xilliga madaxweynaha uu ku egyahay iyo bisha September oo Baarlamanka oo isna ku egyahay.

Wareysi dheer oo VOAdu ay la yeelatay Kay oo ku bixi doona barnaamijka Martida Makaroofanka ee maalinta Sabtida ah ayaa waxaanu idinka maqashiineyna qeyb yar. Halka hooseka dhageyso.