Nicholas Key oo BBC waraysi siiyay oo taageeray Gudigii Doorashooyinka ee Damjadiid (Soomaaliya waa halagu kala tago Maqal iyo Falanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaad mooddaa in Soomaaliya lagu kala tagayo sida wax u socdaan waxaana hadda si toosa ugu sii dhamaynaya in Soomaaliya lagu kala tago Nicholas Key, kadib markii uu taageeray Gudigii Doorashooyinka ee la ogaa musuqmaasuqii ay Damjadiid ku soo xuleen.

Waxay ahayd in Gudiyada qaran ee noocan ah ay Qaab wadatashi ku yimadaan, oo maadaama aynan dalka xisbiyo kajir ee ay jiraan maamul Gobaleedyo aan wali si toosa wax isugu darsan, waxay ahayd qaab wadatashi la isla ogolyahay in lagu soo xullo gudiyada noocaana oo ay dadkoo dhan iska arkaan

halkaan ka akhri warbixnta qaabka Gudiga loosoo xulay

Gudigii Doorashooyinka kooxda DamJadiid oo Gudoomiye u doortay Xaliimo YareY Fadeexaddii abid ugu waynayd (Falanqayn)

Hadaba Nichalos key oo waraysi siiyay BBC ayaa sheegay in ay dhacayso doorasho ay Baarlamaanku dooran doonaan Madaxwaynaha waayo buu yiray hadda un baa la sameeyay Gudigii Doorashooyinka oo uu ula heeddo Gudiguu Doorashooyinka Damjadiid.

Nicholas key ayaa baryahaan danbe ku biiray kooxda Damjadiid, taasi oo fududaynaysa in Maamul Gobaleedyadu ka tashadaan kooxaha Nicholas Key iyo Damjadíid waayo wax xal ah Soomaali uma soo wadaan.

Hoos ka dhegeyso hadalka Key