Nimcooyinka Illaahay Soomaalida ku manaystay, 2000km Wabi, 3300km bad (Qormo gaaban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

jubba-shabeele

Waa cadahay in illaahay Soomaalida siiyay nimcooyinka illaahay umad siiyo kuwa ugu badan, hadday noqon lahayn dhul iyo dad iyo wax walba.
Nimcooyinka illahay ku manaystay Soomaaliya.

1) wabiyada shabeelle iyo Jubba dhererkooda waxay ka badan yihiin 2000 km halkaan ka eeg, waxayna maraan dhul simnan oo waliba carro madow ah, waxaana u dheer roob 500 millimitir illaa 600 oo millimitir, waana roob aad u fara badan, waxaana la isla qiray qudaarta iyo miraha ku baxa dhulka Soomaalida in ay yihiin kuwa ugu qiimaha iyo macaanka badan dunida, macaa Muuska aduunka ugu macaan waa kan Soomaaliya dhulkeeda ka baxa.
2) Bad dhererkeedu yahay 3300 km, oo waliba dihin.
3) dhul ku wanaagsan daaqsinka xoolaha.
4) Dumarka aduunka ugu quruxda badan baa illaahay soomaalida ku manaystay oo hadda dunida oo dhan baa la yaaban dumarka illaahay Soomaalida ku manaystay iyo waliba sida ay dumarka Soomaalidu u firfircoonyihiin baryahaan indhaha aduunka ayaa aad ilgooniya ugu eegaya arrinkaas.
5) Cimilada aduunka ugu wanaagsan baa illaahay ku manaystay Soomaaliya oo aduunka meel la cimila ah macaa Ethiopia iyo Kenya malaha.
6) Soomaaliya illaahay wuxuu ugu gargaaray dad isku qowmiyad ah waayo kenya waxaa ku nool 70 Qowmiyadood– Halkaan ka akhri warbixintaas, sidoo kale Ethiopia 80 Qowmiyadood — halkaan ka eeg , oo waliba kala luuqad ah oo kala diina, oo aan isku ekayn oo markiiba lakala garnayo, laakiin Soomaalidu waa isku luuqad, waa isku diin, waana isku egyihiin, waxaana fudud in si dhib yar hal meel manhaj lowgu sameeyo, halka dalalka aan dariska nahay ay u baahanyihiin manaahij tirabadan iyo luuqado tirabadan oo u baahan kharash farabadan.
7) Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa in uu dhulkeeda ku jiro batrool tiradiisa lagu qiyaaso illaa 100 billion oo fuusto, iyo waliba macaadiin farabadan.
8) Goobta ay Soomaaliya ku taal oo ah goob istaraatijiya oo laga samayn karo ganacsi aad u farabadan, hadday noqon lahayd dalxiis, iyo hadday noqon lahayd adeeg wanaagsan oo loo sameeyo maraakiibta iyo diyaaradaha dunida isaga gooshaya
9) Soomaaliya oo daris la ah dalka Ethiopia oo 80 million oo dada ku nool yihiin oo aan bad lahayn, iyo Soomaaliya oo daris la ah dalalka khaliijka ee qanigaa oo taasi ay sahlayso in ay Soomaalidu ganacsigooda si fudud ugu iibgeeyaan dalalka ay dariska latahay oo ay ka jirto ribitaan iyo suuq farabadan
10) Qurba joog Soomaaliya oo intooda badan ay deganyihiin dalalka dunida ugu qanisan ee reer Galbeedka oo dalalka ay degan yihiin ka keeni kara mashaariic ganacsi, isla markaasna samayn kara in ay xiriir wanaagsan ka dhex abuuraan dalalka reer Galbeedka ee ay ku noolyihiin iyo Soomaalida, iyo sidoo kale Soomaali barabadan oo ganacsi ku leh dalalka carabta iyo Africa.
11) diinta islaamka. Illaahay ayaa koomka iska leh, illaahay wuxuu bini aadamka usoo dirayay kutub iyo nabiyo wada kitaabkii illaahay, si bini aadamka loo gaarsiiyo fartiinta illaahay aakhiro iyo aduunba, sida kitaabkii Nabi Muuse, kitaabkii nabi ciise, nabayadii kale, waxaana ugu danbeeyay kitaabka quraanka ee loosoo dhiibay nabi Maxamed calayhi salaam.
Haddii aad makiinad hawl qabata samaysid waa in uu lasocdo kitaab yar oo sharaxaya sida makiinada loo rakibo, iyo sida ay u shaqayso-
Kitaabka quraankuna waa kitaabkii ugu danbeeyay kitaabada illaahay usoo diri jiray bini-aadamka koomka ku nool.
Soomaalida illaahay wuxuu ugu nimceeyay in si dhibyar illaahay ku gaarsiiyay kitaabka quraanka, iyadoo aynan bini aadan badan nasiibkaas hellin, waa in ay Soomaalida saacad kasta illaahay ugu shugriyaan nimcada sida goonidaa illaahay ula maagay.

 

Hadaba haddii waxaas oo qaninimo ah illaahay Soomaali ugu gargaaray , Soomaalida waxaa looga baahanyahay in ay har iyo habbeen illaahay ugu mahadnaqaan oo waliba nimcada xadigaas le eg waxaa la rabaa in markasta iyo saacad kasta illaahay lowgu mahadnaqo, waxaanad mooddaa in aynan Soomaalidu garawsan nimcada illaahay siiyay, oo ay waliba hadan is dulmiyeen, markaasna ay dhici karto in illaahay ku imtixaamay.
Dhanka siyaasadda dadka fallanqeeya ayaa eeda dusha ka saara  siyaasiin Soomaaliya oo dhaqanka dhurwaaga leh oo iimaanka dhurwaaga oo kale leh oo aynan waxba deeqin, iyagaana abuura qabyaalad si ay umadda u kala qaybshaan oo danahooda shakhsigaa ugu gaaraan iyagoo aan la garanayn waxa ay ku qancayaan.

kaliya meesha hadda ii muuqata ee rajadu iiga muuqato waa dhanka dumarka Soomaalida, dumarka waxaan isleeyahay haddii wax yar oo tababara loo sameeyo waa ay ka iimaan wanaagsan yihiin ragga oo xitaa waxyar bay ku qancaan sida ragaaan aan waxba deeqin ma ahan,waxaana wanaagsan wixii daarran kharashaadka khasnijinimada sida khasnajiga wasaaradda in dumar laga dhigo.

Isku soo duub xaqiiqyan Soomaalida waxaynan hayn shacab, shaccabka Soomaalidaa markaan baaray 99% waa dad arragti gaaban waana adagtahay in illaahay tuso arragtida fog dhamaantood waxa ay arkikaraan waxa hadda lakala dafayo laakiin inta badan ma arkaan maxay waxaasi dhali karaan.

Ninka Soomaaligaa waxaa laga yaabaa inta uu gurigaaga kuugu yimaado oo xabad kugu dhifto in uu gurigigaagii uu iska dego oo hadana salaadda subax ku tukado, waa caqliga daanyarka runtii marka waxaan dhihi karnaa dhanka aragtida ayaan ku liidanaa waana dabiici rabaanaya oo illaahay nimco kasta oo qof la siiyo waa lagu imtixaamaa, oo nimcadii faraha badnayd ee illaahay sida goonidaa soomaalida u siiyay dabcan waa lagu imtixaamayaa.

Si kastaba ha ahaato waxaa ay Soomaaliya u baahantahay nidaam cadaaliya, waayo nidaamkaas cadaaligaa haddaan heli lahayn waxaa ku xigi lahaa dareen in aan wax wada leenahay iyo in dib la isku aamino oo loo midoobo.

Akhri qormooyinka cadaaladda ee aan ku daabacnay puntlandobseerver.
Halkaana ka eeg qormooyinka la xiriira miisaaniyadda iyo Gdo


Si kooban u diyaariya
Ibrahin Gablax