Nin iyo Shimbir [Sheekaxariirada Soomaalida]

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

Xasan Yacquub

 

Nin iyo Shimbir [Sheekaxariirada Soomaalida]

Maalin maalmaha ka mid ah nin  baa shimbir gacanta ku soo dhigey. Wuxuu doonayay in uu fiidadkii ku casheeyo.

Shimbirtii baa dabadeed ninkii la hadashay oo tidhi: “Waxaan filayaa in aad qorsheeysatay in aad caawa casho iga dhigato. Hayeeshee, waxaa kuu dhaami lahayd, ayay ila tahay, saddex arrimood oo mustaqbalka adiga dhaxalgal iyo waaya-aragnimo kuu noqon doona in aan kuu sheego.”

“Midda hore waxaan kuu sheegi doonaa inta aan gacantaada ku jiro. Labaad, marka aan gacantaada ka baxo oo aad i fasaxdo. Saddexaadna kolka geedka agteenna ka taagan aan fuulo.”

”Midda u horreeysa waxay tahay, wixii kaa taga waligaa iyo waqaa ha u qoomameeyn.”

Dabadeed ninkii shimbirtii ayuu sii daayay.

”Arrinta labaadna waxay tahay,” shimbirtii ayaa hadalkii sii wadatay, ”Kaatunkii Nebi Saleebaan baa calooshayda ku jira, bi’iwaayow, maxaad ii sii daysay?”

Ninkii ayaa illin ka timid oo iska baroortay oo ka shallaayay sii daynta shimbirta.

”Saddexaad wixii ku dhaafa ama kaa taga dib uma soo laabtaan. Is-ciilkaanbin iyo is-hiifid waxba laguma helo. Cagadhigo oo arrintaas cashar wanaagsan timaaddada ha kuu noqoto.”

Xasan Yacquub “Baabraqiis”