Ninkii Dilay Taliyihii Nabad Sugida Sh/Dhaxe oo la hor geeyay Meydka Marxuunkii uu dilay (Sawirro)

Filed under: Wararka |

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ka howl gala magaalada Jowhar ayaa maanta ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan ninkii ka dambeeyay dilka Taliyihii Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee gobolka Shabeelaha Dhaxe

Ninka dilka ka dambeeyay oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Madoobe , ayaa maanta lagu soo bandninkii dillay taliyaha nabad sugidda

ninkii dillay taliyaha nabad sugidda1

ninkii dillay taliyaha nabad sugidda3higay qabuurihii lagu aasayay Marxuun Cabdiweli Ibraahim Maxamed , waxana halkaasi kusugnaa Madaxda maamulka Gobolka Sh.dhaxe iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil.

Gacan ku dhiiglaha ayaa wajigiisa ka muuqatay dareen cabsi leh kadib markii lasoo horjoojiyay meydka marxuunkii la dilay, waxaana markii dambe ninkaasi loo kaxeeyay xabsi kuyaala magaalada Jowhar halkaas oo su’aalo lagu weediinayo.

Maamulka iyo dadka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa si weyn usoo dhaweeyay soo qabashada ninkan xalay si bareer ah magaalada Jowhar ugu geestay Taliyihii Hay’ada Nabad Sugida gobolka Sh/Dhaxe

One Response to Ninkii Dilay Taliyihii Nabad Sugida Sh/Dhaxe oo la hor geeyay Meydka Marxuunkii uu dilay (Sawirro)

  1. Pingback: Ninkii Dilay Taliyihii Nabad Sugida Sh/Dhaxe oo la hor geeyay Meydka Marxuunkii uu dilay (Sawirro) - Daily Somalia Report