Ninkii Nidaam Qabyaalad Rajo Ka-lahow Ku Waano Qaado Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Gaashaanbuurta Nato Ku Tilmaayay Habarjeclo Iyo Sacad Muuse (Qormo gaaban )

Filed under: Important News,Wararka |

Soomaalida oo

hal qowmiyad

ah oo illaahay ku abuuray dhulka aduunka ugu qanisan uguna Istiraajiyadsan illaahay siiyay 3300 km oo bada iyagoo dad aad u yar ah uu illaahay dhulka intaa le’eg siiyay— Halkaan ka eeg 10 magaalo oo China Ku yaal oo magaalo kasta ay ku nool yihiin dad la tiro ah dhamaan qawmiyadda Soomaalida taasi oo cadaynaysa sida illaahay Soomaali ugu eexday balse ay garan waayeen in ay illaahay nimcadaas ugu shukriyaan

Ayay nimcadii illaahay siiyay ku xamdin waayeen, oo taa badalkeed ka doorteen wixii illaahay diintiisa ku xarimay ee xumaan iyo eex.

Hadaba fikirkii gooni isutaagga ee Qabyaaladda ee aan horey u sheegnay haddii ay Garoowe degi lahaayeen Beesha Isaaq fikirka gooni isutaagga ee Soomaali-land ma jiri lahaa.

Hadana deegaanada beesha daarood ee dartood Soomaaliya looga gö’ay baan xoog ku maamulaynaa, hadana xooggaas ma ahan mid ay beesha Isaaq awooddo ee waa mid ay beesha caalamka ku garab siiso beesha Isaaq si Soomaali madaxa la isugu galiyo.
Hadana waxaan ka shaqaynayaa sidii aynan koonfur nidaam iyo maamul u yeelanlahayn si markaas fikirka gooni isu taaggu nowgu hirgalo.

Dhammaantood waa fikrado qaldan, waxayna ahayd taa badalkeed in laga shaqeeyo wadajirka Soomaalida iyo sidii Soomaali nidaam cadaalada u samaysan lahayd.

Hadaba firirkii qabyaaladda xaggee ku danbeeyay.
In uu wasiirkii dhamaa ee Maaliyadda ee Somaliland uu Yiraahdo beesha Sacad Muuse (Muuse Biixi) iyo Beesha Habar Jeclo (Siilaanyo) Waxay waligoodba ahaayeen Gaashaan Buur, hadana waa in aan isku gaashaanbuuraysano Beesha Habaryoonis (Cirro).
Akhri qormada Soomaaliya Ma Qabyaalad Baa Burburisay Mise Cadaalad Daro?

3 Responses to Ninkii Nidaam Qabyaalad Rajo Ka-lahow Ku Waano Qaado Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Gaashaanbuurta Nato Ku Tilmaayay Habarjeclo Iyo Sacad Muuse (Qormo gaaban )

  1. Pingback: Ninkii Nidaam Qabyaalad Rajo Ka-lahow Ku Waano Qaado Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Gaashaanbuurta Nato Ku Tilmaayay Habarjeclo Iyo Sacad Muuse (Qormo gaaban ) - Daily Somalia Report