Odayaal iyo waxgarad gaalkacyo kulan ku yeeshay oo ku taageeray hadalkii dhowaan uujeediyey madaxweynihi hore ee Puntland Gen.cadde muuse Xirsi.

Filed under: Puntland,somali news |

Gaalkacyo(puntlandobserver.com):-Magaaladda Gaalkacyo waxaa maantey kulan ku yeeshey qar ka mid ah odayaasha iyo waxgarad ka soo jeedey gobolka Mudug waxana kulan kooda ay ku taageren hadal dhawan ka soo yerey Cen.Cadde Muuse Xirsi waxana dhinaca kale ay ku dhaliileen furashada xisbiyada siyaasada iyagona sheegey in xiligaan marxaladaha lugu jiro owged aysan suragalinen in Puntlalnd Xisbiyo siyaasaded laga dhaqan galiyo.

Cabdirisaaq Burgal Xajji Xassan oo ka mid ah odayaashi kulankaan ka hadley ayaa ugu horen kawarbixiyey kulankooda waxaa uu quseyo waxana uu hadalkisa kusoo qadey in kulankooda ay ku taagerayaan hadalki Cen.Cadde Muuse Xirsi halka dhinaca kalana uu sheegey in xiligaan Puntland aysan diyaar uu aheyn furashada xisbiyada tasi oo uu kumicneyey inaysan jirin hanan furasho xisbi oo xiligaan ka jirta Puntland.

Cabdirisaaq Burgal Xajji Xassan ayaa sidoo kale baaq udirey isimadda Puntland isagona ugu baaqey inay soo fara galiyaan marxalada xiligaan uu dalku ku jiro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>