Golaha Deegaanka Degmada Baargaal oo Furmay (Sawiro)

Filed under: Wararka |

Waxaa maanta si toos ah u furmay kalfadhigii Golaha deegaanka ee
Degmada Baargaal, kaas oo ahaa kalfadhigii 2 aad waxaana kala fadhigu
uu ka furmay Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal

Furitaanka kalfadhiga oo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan
Maamulka Gobolka Gardafuu,kan Degmada Baargaal,Odayaal
dhaqameed,haween &Dhalin yaro ayaa waxaa si toos ah u furay
Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Mudane C/Qaadir Yuusuf Maxamed Ismaaciil
iidi.

Gudoomiyaha Gobolku wuxuu amaaney shaqooyinkii ay qabteen Golaha
Deegaanka ee Magaalada Baargaal,loogana fadhiyo inay sii siyaadiyaan
Shaqada ay bulshadooda u hayaan.

Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee Degmada Baargaal Ahna Duqa Magaalada
Abuukar Axmed Yuuusf ayaa isna halkaas hadal kooban oo uu kasoo
jeediyey wuxuu kaga waramay waxqabadkii ay ku tilaabsadeen intii ay
jireen,wuxuuna gudoomiyuhu sheegey inay waxbadan qabteen ayna howlo
badani u dhiman yihiin,dadka Magaalda Baargaalna wuxuu kula
dardaarmay inay golaha la shaqeeyaan oo aysan howsha ku fiirsan.

Kalfadhigan Maanta la furay ayaa socon doona Mudo dhawr cisho ah sida
uu sheegay Gudoomyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Baargaal waxay
goluhu tiigsanayaan inay qabtaan Howlo badan oo uu deegaanku u
baahanyahay

Maxamed Ibrahim Axmed
Baargaal-Gobolka Gardafuu

20150228_100620

20150228_100641

20150228_101516

20150228_101606

20150228_104005

baargaal2