Ooggii Horay Nagu Kaceen By:Ismaaciil Mire

Filed under: Important News,MAANSOOYINKA,Wararka |

ismaaciil-mire-cilmi

Ismaaciil Mire Cilmi

Ooggii Horay Nagu Kaceen

Naagyahay awow iyo awow, iyo abkaan sheegto
Iyo anigu abidkay ma arag, iibsi lacageede
Aqdaan buu lahaan jirey raggaan, ka isirraa waaye
Ololaan wax kaga qaybsan jirey, ululuf duullaane
Mar uun baan umaamaday waxaan, aabbahay faline.

Afar waxaan u dhaxay tuuladii, awrta loo raraye
Albaabki Burcaan tegey anoo, aaladdii sida’e
Amminkiiba lay yimid sidii, eegi lay yahaye
Ooggii horay nagu kaceen, adhi dillaalkiiye
Dar iimaanka laga qaaday baa, noo aloogsadaye.


Amankaagay goortay wankii, adhaxda tuujeene
Intaa weeye iyo ma ahadii, la is-ilaaqaayay
Asaraartankii baa qalbiga aad, wax ii dhimaye
Il maroojihii bay khatalay, kii aan aamminaye
Afar bawlad laga gooyey bay, igu asluubeene.

Anigoo arkaayaa gamcaha, laygu iibsadaye
Adhigaad i weyddiinaysaan, uun kalow baxaye
Kuwo boqonta ood laga sudhay, ila ahaayeene
Ushaa jeedal iyo suufaf bay, igu illaaweene
Ascaartaba rag bayga badshee, idinku weyddiiya!