Oramada Oo Ka Faa-iidaysanaysa Qabyaaladda Soomaalida Iyo Beesha Jaarso Oo Ay Oramadu Ka Dhaadhicisay In Ay Oramo Yihiin (Warbixin Kooban Wiil reer Finland Ah Oo Arrinkaas Saameeyay)

Filed under: Important News,Wararka |

Iyadoo ay baryahaan xaaladda Ethiopia ka socdaan siyaasado iyo kacdoono, ayaa waxaad mooddaa in baryahaan xaaladda Oramada iyo Soomaalidu ay sii xumaanayso.

-Hadaba beesha Jaarso, oo awal aan u naqiinay in ay tahay beel kamida beelaha Soomaalida ayaa waxaa waayadan danbe isa soo taraya siyaasiyiin beesha Jaarso ka dhaadhicinaya in ay yihiin Oromo.
Waa maxay sababtu.
Beesha Geri Koombe ayaa gudaha ethiopia kusii fidsan waxayna degaan deegaano badan oo ka tirsan deegaanada Oramada dhanka kalena deegaanada beesha Gari koombe waxaa aad ula dega Oramada oo ay aad isku guursadaan.

-Sidoo kale beesha Jaarso iyo beesha Gari-koombe ayaa deegaanno badan wada dega.
waxaana isa soo taraya siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Jaarso oo markaas si ay beelaha Gari-koombe deegaanada ay isku hayaan uga awood bataan markaas arrinkii siyaasadeeyay oo beeshii Jaarso ugu abtiriyay Oromo, si deegaanada ay Gari Koombe iyo Jaarso wada degaan loo raacaayo Gobalka Oromo.

Waxaana ka mida degmada Jinacsani oo u dhaw Jigjiga oo markii hore ka tirsanayd kililka Soomaalida in la raaciyay kililka Oramada.

Iyadoo xaal halkaas marayo, ayaa waxaa dhacay hadana in shacab Soomaaliya lagu xasuuqay deegaanada Oramada.
Waxaana xigtay in dhamaan wixii Oroma asal ahaan kasoo jeeday ee kililka Soomaalida in lasoo qabqabtay oo baabuur lagu soo guray oo loosoo masaafuriyay kililka Oramada.
Waxaa kaloo jiray siyaasiyiin isugu jira Oromo iyo Jaarso iyo qabiilo kale oo Soomaaliya in ay soo jeediyeen in Jigjiga laga dhigo magaalo maqaam gooniya leh sida Dirir-dhabe oo aan kililna raacsanayn ee ay dhamaan Qawmiyadaha Ethiopia u simanyihiin.

Taasina waxaa xigtay in hadana shacabkii masaakiinta ahaa ee Jaarso ee Soomaaliga ku hadlayay ganacsigana ku hastay Jigjiga la yiraahdo maadaama aad Tiraahdeen waxaan nahay Oromo, degmadii Jinicsani ku darsateen kililka oromada, idinkuna waxaad raacdaan Oramada oo sidaas iyagana lagu soo masaafuriyay.
Taasi oo ay sababtay in shacab badan oo Oromo iyo Jaarso isugu jira oo ka ab ka ab deganaa Jigjiga iyagoon waxba ka warhayn hal mar la raafo.

Arrinka ay siyaasadahaas qalafsan saamaynta wayn u gaysteen waxaa ka mida wiil dhalinyaro ah oo reer Finland ah oo waliba nin firfircoon oo dadaal badana waliba nin Soomaalinimadu ku wayn tahay ah, oo macaa aabihi ku dhashay Jigjiga, in isagoo Hoteel uu ku lahaa jigjiga laga xiro isagiina lasoo raafo.

-Shujaac ayaa kasoo jeeda beel ahaan beesha Jaarso, balse ah nin dhalinyaro ah oo Finland kusoo barbaaray kana mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee Finland, waliab kuwooda ugu firfircoon.

Hoos ka daawo warbixinta Shujaac.

Heestii Maxamed Mooge ee Xeebtaa Jabuutee, waa hees hadda ku habboon Shujaac, waayo shujaac waxa is cayrsanaya waxba kamuu ogayn ee hal mar bay qolooyinkii is cayrsanayay ku yiraahdeen hoteelka xir.


Ethiopia_regions