Probagandada Shacabka Lagu Marinhabaabinayo Sarkaal Onlf Baa Itoobiya Loo Dhiibay, Maa laga Hadlo Ganacsatada Soomaalidaa Ee Dawlad Diidkaa, Markii Dawlad Lahelaa Itoobiyaya Lala Xisaabtami Karaa

Filed under: Important News,Wararka |

propaganda
Soomaaliya 1991 waxaa ka burburay dawladdii, dalkana waxaa la wareegay ganacsato laga taageero dalal shisheeye.
Dawlad waxay ku shaqaysaa dhaqaale, dhaqaaluhu dawladda wuxuu kasoo galaa canshuur laga qaado ganacsatada.

Hase yeeshee Soomaaliya waxaa si dadban u haysta Ganacsato aan rabin dawlad iyo cid canshuur ka qaadda, waxayna si dadban u taageeraan cid allaale oo dawladnimada Soomaaliya kasoo horjeedda.

Hadda waxaan ognahay in ay dalka Soomaaliya jooggaan ugu yaraan 20 kun oo ciidanka Itoobiya ah, sababta ay dalka la jooggaan waa waxay qabanayaan shaqadii dawladeed oo amaankay sugayaan, haddiise dawlad la helilahaa dalkooday ku noqon lahaayeen.

Dhanka kale maamul Gobaleedyada iyo dawladda dhexe ma wada shaqeeyaan, oo dhammaan maamul gobaleedyada waxaa si dadban u xukuma Itoobiya oo waliba xoog baa si dadban lowgu haystaa.

Qoriga zuuga salka lagu fariisiyo waa 40 kun oo dollar, waxaana haysta beelaha Soomaaliyeed oo beeshaan dhawr qori oo Zuu ah lahayn waxaa ka xoog badnaanaya beelaha haysta Qoriga Zuuga.

Beeshii Itoobiya aan amarkeeda u hogaansamin, waxay ka baqaysaa in Itoobiya beesha ay iska soo horjeedaan fadhiga dhawr qori oo uu Zuu ah soo siiso.

Tusaale beesha reer sh Isxaaq waa in ay qaadato amarka Itoobiya, haddii kale beelaha darafyada ayaa dhawr qori la siinayaa.

Xaaladda Soomaaliya halkaas in ay marayso qof walba waa ogyahay, maalmahaanna waxay nagu wareersheen Sargaal Onlf ah baa Itoobiya loo dhiibay iyo hadal caruureed.

Itoobiya waxayba haystaa dhulkii Kililka oo dhan, hadana shacabka kililka maamulkoodu horumar buuba gaaray oo iyagaaba maanta Soomaalida kale ka nolol fiican.

Hase yeeshee maba xuma in laga hadlo in ay qalad tahay in Itoobiya ay qofkay rabto ka kaxaysato Soomaaliya iyadoon maxkamad lagu cadayn, laakiin ma habboona in si qayrul caadiya loo buunbuuniyo.

Soomaalina iyagaa isugu wacan in saas loo bahdillo, ee ma ahan eed ay leeyihiin Farmaajo iyo Khayre oo qura, waxaana muuqata in ay Farmaajo iyo Khayre dadaalayaan, ayna mudantahay in lala dadaalo oo laga saxo dhanka dhismaha nidaam dawladeed oo awoodda la saaro sidii looga hortagi lahaa waxa la yiraahdo one man shaw, oo micnihiisu yahay in waxwalba Madaxwaynaha iyo Raysalwasaraha laga sugo, oo ay dawladaas noqoto dawlad ku jirta shandada hal ruux diktatorship goverment.

Sida dawladaha maamulgobaleedyada oo dawlado ku jira shandada Madaxwaynaha oo qura —> One man shaw Goverment

Puntlandobserver desk

2 Responses to Probagandada Shacabka Lagu Marinhabaabinayo Sarkaal Onlf Baa Itoobiya Loo Dhiibay, Maa laga Hadlo Ganacsatada Soomaalidaa Ee Dawlad Diidkaa, Markii Dawlad Lahelaa Itoobiyaya Lala Xisaabtami Karaa