Prof Cabdi Ismaaciil Oo Talooyin Culus Kasoo Jeediyay Sidii Dawladda Horey Lowgu Dhaqaajinlahaa (Dhegeyso)

Filed under: Important News,Wararka |

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa Voa uga warbixiyay gudigii anshaxa ee uu Gudoomiyaha u ahaa xiligii ay doorashadu socotay

1) Prof Cabdi ayaa soo jeediyay in loo baahanyahay illaa 30 million oo ay Soomaali iska uruuriyaan si ciidan qaran loo dhiso.
2) In qurbajoogtu ay nooc walba leeyihiin qaar daacada oo qadiyad iyo adaab leh, iyo qaar tuuga ah oo waxay xadaan doonaya, waana in aan la oran waa qurbajoog ee taa badalkeedo la eego ruuxa qofkuu yahay,xirfad ma leeyahay.

3) Prof Cabdi ayaa sheegay in ay ujeedada shacabka ahayd in ay codka siiyaan ruux samatabixin kara, laakiin waa eegayaan haddii marka Farmaajo uu hawshii loo doortay doorkeeda qaato oo hadana la dagaalama maamul xumada iyo musuqmaasuqa